4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Somaliland oo dib u celisay Diyaarad Ogolaasho ka soo Qaadatay Dowladda Somalia oo ku degi lahayd Garoonka Hargeysa


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa maanta markii ugu horreysay u diiday inay madaarka Hargeysa fadhiisato diyaarad ogolaanshiyo kasoo qaadatay dawladda Soomaaliya, isla markaana sheegtay in aanay hawadeedda u soo mari karin diyaarad aan Somaliland fasax ka haysan.

“Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadata magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa isku dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee Igal International Airport, balse markii uu tower-ka Somaliland ogaaday in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad Permission ka haysato Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawadu ku amreen in ay ka baxdo hawada Somaliland, Somaliland Air space”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda duulista oo ka hadlayey diyaarad madaarka Hargeysa dib looga celiyey ka dib markii ay ogolaanshiiyo ka soo qaadatay wasaaradda gaadiidka Cirka iyo hawadda ee dawladda Soomaaliya.

“Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysa haweeda, Permission ama ogolaansho laga soo qaatay magaalada Muqdishona aanay diyaarada sidadataa soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin garoomada jamhuuriyada Somaliland”ayaa yidhi madaxa baratokoolka ee wasaaradda Duulista Cabdilaahi Caarshe, waxaanu intaas ku daray “Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland.  Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya in permission laga bixiyey magaalada Muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah ayna ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey diyaarada Muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah”.

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu horeysay ee xukuumadda  Somaliland celiso diyaarad fasax ka haysatay dawladda Soomaaliya tan iyo intii la isku khilaafay maamulka hawadda sare oo Soomaaliya ku wareejiyeen Qaramadda midoobay taas oo aan ilaa hadda la xalin, isla markaana ma jiraan diyaaradihii qaramadda midoobay ee tobaadkasta iman jiray Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland