4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Qarax Gudaha Kismaayo lagula eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howgalka AMISOM (SAWIRRO)


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) —
Qarax xooggan ayaa xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Qaraxan oo ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari nooca ciidamada daabulo oo ay wateen askarta Kenya, waxaana uu sababay dhaawac soo gaaray  sedex askari oo  ka tirsan ciidamadii gaadiidkaasi saarnaa iyo weliba burbur gaaray gaarigaasi, sida uu HOL u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Cabdi Buuloow Max’ed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo goobta uu qaraxa ka dhacay kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso, wuxuuna xusay in aysan jirin cid ku dhimatay marka laga reebo sedex askari oo ka tirsan ciidamada Kenya oo uu xusay in ay ku dhaawacmeen.

Ilaa imikana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, mana jiraan madax ka tirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa iyo weliba cidda ku waxyeeloowday.

Ciidamada maamulka Kismaayo ayaa xiray aagga goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale uu hakad ku yimid isu socodkii dadka iyo gaadiidka, iyadoona uu gabi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee xaafadda uu qaraxu ka dhacay.

Waa markii ugu horeeysay oo gudaha magaalada Kismaayo qarax lagula eegto askar ka tirsan ciidamada Kenya tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa ay gacan ku heynta magaalada kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya