3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Kulan looga hadlayay Ammaanka iyo Waxbarashada oo Maanta lagu qabtay Degmada Kaaraan ee Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) —  Kulan looga hadlayay ammaanka iyo waxbarashada ayaa maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin maamulka gobolka ka tirsan, waana kulankii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca degmadaas.

Hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD oo soo qaban-qaabisay kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay dhallinyaro ka socday degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo muhiimada kulanka uu ahaa in dhallinyarada ay helaan waxbarasho, isla markaana ammaanka ka shaqeeyaan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Cali Calasow Xasan oo furay kulanka ayaa sheegay in dhallinyarada maanta ay leeyihiin mudnaan gaar ah, isagoo xusay in dhinac kasta looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan, sida amniga, waxbarashada iyo nadaafada, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay inay jiraan dhallinyaro kale oo fikrado qaldan aamisan, kuwaasoo jaray cid walba oo ehel u ahayd.

"Waxaan rabnaa inay dhallinyarada wax dhisaan oo ay u gudbaan horumar, waa laga gudbay dhibaato, dhallinyarada waa mustaqbalka berri, maanta ayay joogtaa inay dalkooda wax u qabtaan, mana ahan inay wax maalayacni mustaqbalkooda ku lumiyaan," ayuu yiri Cali Xasan Calasow.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in 22-kii sano meelaha dalka ka bur-buray ay ka mid ahayd waxbarashada, isla markaana waxaa la bedelay manjahkii waxbarashada dalka, iyadoo la keenay manaahij kale oo lasoo min-guuriyay, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dhallinayaraa la barayo waxyaabo aanay dhaqan u laheyn, dalkoodana aanay ka garanayn.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay guddoomiyaha dhallinyarada degmada Kaaraan, C/kaafi Maxamuud Makaraan isagoo sheegay inay muhiim tahay in la diiwaan-geliyo iskuullada waxbarashada, si loo ogaado waxbarashada uu arkaydu qaadnayo, isagoo tilmaamay in guddiga dhallinyarada degmada ay sanduuq u furayaan sidii lacago ugu uruurin lahaayeen dhallinyarada aan heysan waxbarashada.

Ugu dambeyn, ka qayb-galayaashii kulanka ayaa min lix koox isu qaybiyay, iyagoo is-weydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii waxbarashada dalka loo mideyn lahaa, isla markaana dhallinyarada ay u guntan lahaayeen ka qaybqaadashada amniga iyo horumarinta waxbarashada.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/18/2013 11:49 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa maanta markii ugu horreysay u diiday inay madaarka Hargeysa fadhiisato diyaarad ogolaanshiyo kasoo qaadatay dawladda Soomaaliya, isla markaana sheegtay in aanay hawadeedda u soo mari karin diyaarad aan Somaliland fasax ka haysan.

6/18/2013 11:48 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Jaamacadda Hargeysa, kuuliyaddeeda nabadda iyo khilaafaadka ayaa maanta soo gabagabeeysay shir laba cisho u socday dalalka Somaliland, Soomaaliya, koonfurta Suudan iyo Suudaan, kaas oo lagaga hadlayey dawlad dhisida iyo sida nabadda loo dhaliyo.

6/18/2013 8:16 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo ururkii doorashadda ku hadhay ee XAQSOOR oo hore u qaadacay doorashadii golaha deegaanka ayaa heshiis af garad wada gaadhay, isla markaana sheegay inay ka heshiiyeen in dhinac looga soo wadda jeesto wixii danta guud ah.

6/18/2013 7:36 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furtay magaalada Muqdisho shir heer Qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana qabanqaabadiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

6/18/2013 7:27 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysay inay isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga hortagto weerarada Al-shabaab kusoo qaadayso deegaanno ka tirsan dalkeeda, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya.

6/18/2013 5:52 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee magaalada Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) ayaa goor-dhow lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaadiid uu watay.

6/18/2013 4:50 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Qarax xooggan ayaa xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ah howlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.

6/18/2013 2:31 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in dabkaas uu ka dhashay koronto qaraxday.

6/18/2013 2:28 AM EST
Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay shalay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay muddo sanooyin ah gacanta ku haysay Al-shabaab.