4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Dab Qasaare hantiyeed geystay oo xalay baabi'iyay suuqa degmada Garisa ee Gobolka Waqooyi-Bari ee Dalka Kenya

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in dabkaas uu ka dhashay koronto qaraxday.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Gaarisa ayaa sheegay in dabka uu baabi’iyay qaybo badan oo uu suuqaas ka koobnaa, waxaana damintiisa iska kaashaday ciidamada milateriga Kenya iyo shacabka degmada ku nool.

Maamulka degmada Gaarisa oo ah xarunta gobolka gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa sheegay inay tirakoob ku sameynayaan khasaarihii hantiyeed ee uu dabkii xalay geystay, iyagoo sheegay in sababaha ugu waaweyn ee dabka loo damin waayay ay tahay gaadiidka dabka damiya oo aysan haysan.

“Booyado ay leeyihiin ciidamada milateriga ayaa qayb ka qaatay daminta dabka, waayo degmada ma lahan wax dab-damis ah,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan maamulka hoose ee degmada oo warbaahinta la hadlay.

Suuqa ayaa saakay intiisa badan ah goob bannaan oo dhammaan dukaamadii iyo hantidii ku jirtay ay ku baaba’een, iyadoo tani aysan ahayn markii ugu horreysay oo suuq ku yaalla degmada Gaarisa uu dab baabi’iyo.

Bartamihii sannadkii hore ayay ahayd markii ciidamada milateriga Kenya ay gubeen suuq mugdi oo ah suuqa ugu weyn degmada Gaarisa, kaddib markii halkaas looga dilay saddex askari.

Ganacsatadii lahayd hantidii ku gubatay suuqa ayaa waxay dhex joogaan halkii ay dukaamada ku lahaayeen, iyagoo weydiistay maamulka hoose ee deegaanka iyo dowladda Kenya in caymis loo sameeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya