4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
MADAXWEYNE XASAN: “Ganacsatadu Waa in ay Kaalmeeyaan Masaakiinta inta lagu jiro Bisha Ramadaan” (SAWIRRO)


Axad, July 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay bisha barakeysan ee Ramadaan taageeraan masaakiinta gaar ahaan barakacayaasha ayna ka farxiyaan carruurta Soomaaliyeed maalinta ciidda ee bishan ku xigta.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Xasan Maxamuud iyo ganacsato kala duwan, waxaana uu kula dardaarmay ganacsatada inay u naxariistaan dadka aan heli karin wax ay ku afuraan bishan.

“Ganacsatadu waa laf-dhabarka bulshada, waxaana idin kugu yeernay labo arrimood oo muhiim ah oo kala ah inaad taageertaan shacabka aan awoodin inay soonka afuraan oo gurmad deg-deg ah loo sameeyaa, gaar ahaan kuwa barakacayaasha ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inta aan awoodin inay Soonka si fiican u afuraan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Farriinteyda kale ayaa ah inaad carruurta Soomaaliyeed ka farxisaan maalinta ciidda ah ee soo socota, gaar ahaan kuwa aan awoodin in dhar qurxoon ay soo xirtaan si ay ula damaashaadaan shacabka intisa kale. Waxaan idin weydiinayno waa saddaqo jaariya ah, shacabkeennana waxuu noqonayaa kuwo is taageera.”



Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey ganacsatada Somalia kaalintoodii wanaagsanayd ee ay qaateen 22-kii sano ee dalku burburka ku jiray iyagoo duruufo adag ku shaqeynayay muddadaas.

“Maanta waxaan joognaa marxalad ammaan  iyo nabad ah oo aan u baahan nahay in ganacsiga uu kobco, sidaas daraadeed waxaa muhiim ah inaad kor u qaaddaan maal-gashiga iyo mashaariicda horumarineed ee dalka, aadna si wadajir ah ugu soo jeesataan sidii aad u sameyn lahaydeen hay’ado  samafal oo dadka caawiya,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, C/kariin Maxamuud Gabeyre oo isguna kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha sida uu u xusuusiyay waajib diini ah, isagoo ballanqaaday in ku howlgeli doonaan baaqa madaxweynuhu soo jeediyay.

Dhanka kale, waxaa iyaguna ka hadlay kulanka ganacsato kale oo kulankaas ka qaybgalay, iyagoo sheegay inay caawinayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha iyo kuwa kale ee jilicsan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya