4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Xariga Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Dagaalladii ka dhacay Magaaalada Kismaayo


Axad, July 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Sheekh oo ku hormaray ka hadalka xariga Sheekh Aweys ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir uu u xiran yahay dowladda Soomaaliya ayna su’aalo weydiinayaan ciidamada ammaanka dowladda iyo hay’adaha cadaaladda dalka.

“Sheekh Xasan Daahir waa nin la garanayo nin hoggaamiye ah, muddo badanna dagaalladii dalkaan ka dhacay kusoo jiray, Soomaaliya iyo meelo kale oo dunida ahna eedeymo looga haysto. Howshii uu kusoo jiray ayaana laga wareysanayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan haddan oranayn waa dambiile, maxkamad ayaa lasoo taagayaa waa la dilayaa iyo wixii la mid ah, balse markii ay baaritaannadu dhammaadaan la shaacin doono go’aanka ay ka qaadatay dowladda Soomaaliya.

“Aweys wuxuu ku jiraa liisas badan oo caalami ah, waxaana socda sidii looga hadli lahaa, haddana wuxuu 100% gacanta jiraa dowladda Somalia iyada ayana mas’uuliyadiisa dhabarka saaratay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka hadlay dagaalladii dhawaan ka dhcay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in wixii halkaas ka dhacay lagula xisaabtamayo ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan.

“Waxaan rabaa in laba arrimood la kala saaro, innaga wuxuu macaamilka ku saabsan howlaha ciidamada AMISOM uu nagala dhexeeyaa Midowga Afrika. Dowladda Kenya oo ay ciidamada Kismaayo jooga ka socdaa ma jirto wax cuqdad ah, kala shaki ah xumaan ah nama dhextaal, xiriirka siyaasaeeed ee naga dhexeeyana meel wanaagsan ayuu marayaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay dowladda Somalia kula xisaabtamayso ururka Midowga Afrika oo ay hoos-tagaan, isgaoo sheegay in hadda ay socdaan baaritaanno lagu sameynay dagaalladaas, wixii baaritaanka kasoo baxana lasoo bandhigi doono.

Dhawaan ayay dowladda Soomaaliya warqad ay kaga cabanayso ciidanka Kenya ee qaybta ka ah AMISOM waxay u dirtay ururka Midowga Afrika, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo weli uu ururku ka bixiyay qoraalka dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya