4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Wasaarada Horumarinta Adeegga Bulshada Somalia oo Qorsheynaysa inay kun Macallin u Qaadato Waxbarashad Dalka

Axad, July 07, 2013 (HOL) — Waaxda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Somalia ayaa wadda qorshe ay ku qaadanayso macallimiin Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 1,000, kuwaasoo wax ka dhigi doona iskuullada ku yaalla gobollada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee waxbarashada, hiddaha & tacliinta Sare Prof. Maxamed Cabdulqaadir Nuur oo maanta ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in gobollada Banaadir, Hiiraan, Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhaxe, Jubadda Hoose, Bay, Gedo, Galgaduud iyo Mudug laga qaadan doono macallimiin ayna ka shaqeyn doonaan gobolladas.

“Waxaan sameynaynaa jaan-gooy aan gobol walba aan uga qoondaynayno tiro macalimiinta, waxaana rajeyneynaa in shacabka Soomaaliyeed kuwooda fursadahan danaya inay si fiican ugu faa’iideystaan wasaaradduna ay si cad oo cadaaladi ku jirto u soo xulli doonta macallimiintan; iyagoona dhigi doona dugsiyada hoose, dhaxe iyo sare,” ayuu yiri Prof. Maxamed C/qaadir.

Agaasimaha ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay mashruuc loogu magac-daray aada dugsiyadda (Go-To-School) oo ay fikraddiisu leedahay wasiirada Wwsaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasin Axmed, iyadoo wasaaraddu ku rajo weyn tahay in bisha September ee sannadkan dib looga furo dhamaan gobollada dalka dugsiyo ama iskuullo lacag la’aan ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u qorsheysay in hal milyan oo caruurta Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, waxaana socda dib u dayactir lagu sameynayo guud ahaan iskuulladii dalka ee burburay intii ay socdeen dagaallada sokeeye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya