4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Wafdi ay Hoggaaminayeen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Qardho (SAWIRRO)


Axad, July 07, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Qardho si diirran loogu soo dhoweeyey wefdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxmuud Faroole, islamarkaana uu qayb ka yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe).

Wefdigan ayaa waxa sidoo kale weheliyey wasiirro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Is-maamulka Somaalida ee Itoobiya iyo wufuud kale oo ka socotey maamullada Somaliland iyo Ahlu-sunna.

Boqollaal dadweyne ah oo ruxayey calammada Is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland ayaa wefdigan kaga hortegey meel magaalada Qardho u jirta 30km oo dhinaca koonfurta ah.

Waxaana intaas kaddib wefdiga loosoo gelbiyey dhinaca magaalada Qardho, iyadoo ay jidka laamiga ah hareerihiisa safnaayeen dadweyne tira badan oo ruxayey caleemo qoyan, islamarkaana ku dhawaaqayey ereyo soo dhoweyn ah.

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Qardho ayaa maanta ahaa mid si aad ah loo adkeeyey, waxaana ay qaybaha kala duwan ee ciidamadu si aad ah u kantaroolayeen dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Gallinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in wefdigani ay u jiheystaan dhinaca magaalada caasimadda ah ee Garoowe, taas oo ay markii horeba ka yimaadeen. Inta ay Qardho ku sugan yihiin waxay madaxweyne Faroole iyo wefdigiisu kulammo gooni gooni ah la qaadan doonaan waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Karkaar.

Ujeeddada socdaalka wefdigan ayaa ahayd sidii ay uga qayb geli lahaayen aaska boqor C/laahi Boqor Muuse oo maanta lagu aasay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.





Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Qardho, Puntland