Dibadbax looga soo horjeedo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya oo Maanta ka dhacay Magaalada Melbourne (SAWIRRO)
AxadSunday, July 7, 2013(HOL)—Boqolaal dadweyne ah oo ka kooban qeybaha Bulshada ayaa Maanta waxa ay isu soo bax balaaran ka dhigeen waddoyinka waaweyn ee Magaalada Melbourne.
Dadkaan ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen ereyo ka dhan ah Ciidamada Kenya islamar’ahaantaana ay ku dalbanayaan in Ciidanka Kenya ay isaga baxaan dalka Soomaliya. Banaanbaxayaasha waxaa erayadooda ka mid ahaaa( dooni meeyno Kenya, ha dhacdo Kenya,Somali soomali baa leh. Kenya hanooga baxdo. Uhuru Kenyatta waa danbiile iyo erayo badan oo kale).
Dadkan oo careeysnaa shacuurtooduna ay aad u sareeysey ayaa dalbanaayey in Somaliya guud ahaan looga danbeeyo Dowlada soomaliya, waxii maamul iyo dib u heshiisiin ahna loo daayo iyada, kenyana lagu bedello ciidamo kale oo kasocda qaarada Africa.
Intuu banaanbaxaas socday waxaa goobtaas hadalo qiiro ku dheehan tahay kasoo jeediyey
Ugaas Cabdiqani Abdullahi Hassan (Ugaaska beesha sade ee Melbourne)
Somali Community Leader of Australia: Mahad Hassan falley
Suldaan ismaciil (suldaanka beesha biyomaal ee Australia).
Gudoomiyaha Gudiga Dhaqanka Soomaliyeed ee Pacificga Abdiqadir Khalif Sudi (dhidhile)
Drs Halimo Abdulahi Artan (wagad).
Drs Aamino Maxamed (Amino wareejiyow).
Australian Youth Leader :Abdiqadir Farah Qayre
Social worker: Ahmed Qahira
Nabaddoon Ibrahim Maxamed Xasan Ciiraale.
Liibaan Faarax
[email protected]