4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Wafdiyada ka socotay Dowladda Soomaalia iyo Somaliland oo Maanta kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga

Somalia, Somaliland delegations meet with Turkish FM
Axad, July 07, 2013 (HOL) — Wafdiyo ka socday Soomaaliy iyo Somaliland oo ka qaybgalaya shirka labaad ee labadan dhinac ku dhexmaraya Istabnuul ayaa maanta la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Axmed Daa’uud Oogle oo gar-wadeen ka noqonaya shirkan.

Axmed Oogle ayaa sheegay in Turkigu uu mar walba uu mar walba shirka dhexmaraya labada dhinac ku ilaalinayo ajandaha u dagsan, isagoo xusay in dalkiisu uu rajo weyn ka qabo in wadahadalladan wajigooda labaad ay gun-dhig u noqdaan is-faham dhexmara labada dhinac.

“In Soomaalida la caawiyo waa muhiimadda koowaad ee Turkiga, waana mid aad u sahlan, sidoo kale waa mas’uuliyad taariikhi u ah Turkiga,” ayuu Oogle ku yiri war uu saxaafadda siiyay kaddib kulankaas.

Wasiirku wuxuu sheegay in wafdiyadan ay kulankooda labaad ku yeelanyaan maalinta berri ah bartamaha magaalad Istabuul, kaasoo uu sheegay inuu daba socdo shir ay labada dhinac ku yeesheen dalka Turkiga 13-kii bishii Abriil ee sannadkan.

“Xiriirka Soomaaliya, Somaliland iyo Turkiga waa ku dhisan hab walaanimo ah. Mar loo eego juquraafi ahaan iyo taariikh ahaan waxaan nahay walaalo,” ayuu Oogle hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in billaabashadii wadahadalladan 13-kii Abriil ay ku billowdeen si taariikhi ah, waxayna labada dhinac ku heshiiyeen inay kawada hadlaan mustaqbalkooda. Waxaana ka mid ahaa heshiiskooda inay mar kale ku kulmaan Turkiga saddex bilood kaddib.

Wafdiga dowladda Soomaaliya iyo Somaliland uga qyabgalayay shirkan ayaa waxaa kala hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka ganacsiga Somaliland Maxamed Cumar.

“Waxaan mar walba ku duwaynaa wadahadallada labada dhinac sidii ay uga shaqeyn lahaayeen iyagoo wadajira mustaqbalka dalkooda. Innagoo si walba oo macquul ugu caawin doonaa walaalaheenna Soomaaliyeed,” ayuu Oogle ku daray hadalkiisa.  

Somaliland ayaa waxay muddo 22-sano ka hor ah ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, iyadoo raadinaysay tan xilligaas aqoonsi ay ka hesho caalamka, inkastoo aysan u suurogelin. Iyadoo dowladda Somalia ay doonayso in Soomaaliya midnimadeedii lasoo celiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya