4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Dagaal khasaare geystay oo Ciidammo kawada tirsan Dowladda Somalia ku dhexmaray Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay

Axad, July 07, 2013 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidammo kawad tirsan dowaldda Soomaaliya ayaa maanta ka dhcay Buurha-kaba ee gobolka Bay, waxaana la sheegayaa inay iska dileen ciidamadan shan askari ayna isaga dhaawaceen dagaalka askar kale oo fara badan.

Magaalada Buurha-kabo ayaa waxaa ku sugan ciidammo kale ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee ee AMISOM, kuwaasoo kala dhexgalay askarta dowladda ee ku dagaalamay degmadaas.

Xaaladda degmada Buur-hakaba ayaa caadi kusoo laabatay kaddib markii la joojiyay dagaalkii dhexmaray ciidamada oo ka dhacay bartamaha degmadaas oo horraantii sannadkan lagala wareegay ururka Al-shabaab.

Sidoo kale, ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa iyaguna waxay isku horfariisteen gudaha deegaanka Mooda-moode oo degmada Baydhabo u jirta 25-km,  waxaana ciidamadan intii aysan dagaalamin talyaha qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobalka Bay, Jen. Ibraahim Yarrow iya qaar ka tirsan waxgaradka magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaanu ka jirin wax maamul ah, iyadoo maamulkii ka jiray gobolka Bay uu xilligiisii dhamaaday afartii bishan. Iyadoo ay hadda ka shaqeeyaan ciidamada booliska iyo kuwa milateriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo