4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2013
Qaban-qaabada wadahadallo dhexmaraya Soomaaliya iyo Somaliland oo ka socda Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga

Axad, July 07, 2013 (HOL) — Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka socota qabanqaabada wajigii labaad ee wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo maalinta berri ah ka furmi doona magaaladaas.

Wafdiyo ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gaaray halkaas iyagoo sii wadi doona wadahadalladii horraantii sannadkan ku dhexmaray isla magaalada Istanbuul labada dhinac.

Kulanka berri furmi doona ayaa waxaa lagu wadaa inuu dhexdhexaadiyo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Davotogle, iyadoo labada dhianc ay ka hadli doonaan caqabadaha horyaalla sii socoshada wadahadalka iyo sidii lagu sii wadi lahaa.

Dowladda Turkiga ayaa waxay rajo wanaagsan ka qabtaan in Soomaaliya iyo Somaliland ay dhammeeyaan khilaafaadyada u dhexeeya ay taasi horseeddo inay dib u soo ceshadaan midnimadoodii, si ay u noqdaan hal dowlad.

Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayna doonayso aqoonsi caalami ah, halka dowladda Soomaaliya ay qabto inaanay Somalia kala go’i karin loona baahan yahay in minidmada dalka la ilaaliyo.

Kulanka guddiyadan ay labada dhinac u saareen wadahadallada kaddib ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland, si ay u sii wadaan wadahadalka u dhexeeya labada dhinac.

Shirkan ayaa noqonaya kii afaraad oo dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo mid ka mid ah shirarkan uu ka dhacay magaalada London halka laba kalena ay ka dhaceen Turkiga, midna uu ka dhacay dalka Dubai.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya