4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Ciidamada Itoobiya oo si Buuxda uga Baxay Gobolka Bay iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Ammaanka guud ee Gobolkaas


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ayaa maanta isaga baxay gabi ahaan gobolka Bay oo ay ku jirto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaas, waxaana ammaanka gobolka lagu wareejiyay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Saldhigyadii ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen degmada Baydhabo, kuwa ku dhow ayaa la arkayay iyagoo saakay isaga baxaya, waxaana ciidamadan ay halkaas ka kexeysteen taangiyo iyo gaadiidka kale ee ciidamada qaada oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan Uuraalka.

“Maanta baqadii ay ciidamada Itoobiya ka guureen saldhigyadii ay Baydhabo ku lahaayeen, waxaana la arkayay ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka oo kasii baxaya degmada,” ayay yiraahdeen goobjoogayaal ku sugan Baydhabo.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay sheegeen in saadhigyada ay ka baxeen oo ay ka mid ahaayeen warshadii Xaseey, taliska 60-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saldhig kale oo ay ku laaheey halka looga baxo Baydhabo ay gabi ahaan ka guureen.

“Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay saldhigyada ay ciidamadii Itoobiya ka guureen, waxaana tani ay ka dhigaysaa in ciidamada Itoobiya ay gabi ahaan isaga baxeen degmada Baydhabo iyo gobolka Bay,” ayay yiraahdeen dadka ku nool Baydhabo.

Laakiin shacabka qaarkood ayaa walaac ka muujinaya in ciidamada AMISOM ay awood u leeyihiin sugidda ammaanka Baydhabo iyo ka hortagga weerarro ay Al-shabaab kusoo qaaddo, iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen inaysan awood u lahay ciidamada Itoobiya inay ammaanka xaqiijiyaan.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay saldhigyo ay duleedka Baydhabo iyo kuwo ay ku lahaayeen degmooyinka Qansax-dheere iyo Bardaale ay iyagana isla maanta isaga baxeen, iyadoo ka bixitaankooda ay soo afjarayso muddo laba sannad iyo bar ah oo ay ku sugnaayeen gobolka Bay.

Ciidamada Itoobiya ayaa soo galay gobolka Bay horraantii sannadkii hore ee 2012, iyagoo xoogagga Al-shabaab kala wareegay degmada Baydhabo bishii Federaayo ee isla sannadkaan, kaddib saddex sano oo Al-shabaab ay halkaas ka talinaysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya