4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Madaxa Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo ka hadlay go’aankii lagu joojiyay Doorashooyinkii Dowladaha Hoose ee Puntland


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Qaramadda Midowbay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo ka hadlay dib u dhigista doorashada dawladaha hoose ee maamula Puntland ayaa ku tilmaaay go’aankaas mid geesinimo ah.

Nicholas Kay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankaas oo uu sheegay inuu ahaa mid geesinimo leh isla markaana ay ku dheehan tahay caddaalad, kaddib markii ay iska-horimaadho ka dhaceen qaybo ka mid ah Puntland.

“Waxaan tacsi u diraya dadkii ku waayay ehelladoodi ay jeclaayeen. Waxaan la xiriiray dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso waxayna ku boorriyay inay muujiyaan deggenaasho,” ayuu yiri ergayga UN-ka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu cambaareeyay iska-hor-imaadka, wuxuuna ku guubaabiyay dhammaan siyaasiyiinta Puntland inay ka faa’iideystan fursada ayna isla shaqeeyaan si ay u xaqiijiyaan helitaanka nidaam ay ku dheehan tahay dimuqraadiyad, nabad iyo kalsooni.

Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa ku dhawaaqay maanta in la joojiyay doorashooyinkii ka dhici lahaa Puntland, isagoo xusay inay jiraan dad doonaya inay ka faa’iideystaan arritan oo ay deggenaashaha Puntland wax u dhimaan.

“Sababaha aan doorashada u joojinnay waxaa ka mid ah kaddib markii aan aragnay inay jiraan dad gudaha laga abaabulay iyo kuwo dibadda laga soo kireystay oo la doonayo in lagu qalqal-geliyo ammaanka Puntland, taasina ma ahan mid hakin doonta hannaanka xisbiyada badan ee aan dadaalka dheer u soo galnay,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Joojinta doorashooyinka Puntland ayaa waxaa sababay rabshado ka dhacay deegaanno ay ka mid yihiin degmada Qardho iyo Gaalkacyo, halkaasoo ay ku dhinteen afar qof laguna gubay sanaadiiqdii doorashooyinka iyo waliba warqadihii cod-bixinta loogu talogalay.

Maamulka Puntland oo taageersan dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaanay inuu ka gudbayo hannaankii beelaha ku saleysnaa uu u gudnayo hannaanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka golaha deegaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya