3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo la kulmay Dhallinyarada, kuna Dhiirri-geliyay inay ka Qayb-qaataan Sugidda Amniga (SAWIRRO)


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa galabta kulan ballaaran la qaatay dhallinyaro isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo tiradoodu ahayd 250, kana socday ururrada dhallinyarada, ardayda jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga gol-lahaa in lagu dhageysto aragtida dhallinyarada iyo doorka kaga aaddan nabadda iyo horumarinta dalka, sidoo kalena ay DFS ugu gudbiso dhallinyaradaas farriinta dawladda ee dhinacyada nabadda iyo horumarinta dalka. Iyadoo kulankaas ay goobjoog ka ahaayeen; wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigg, horumarinta adeegga bulshada.

Dhallinyaradan ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan dib-u-soo celinta nabadda dalka iyo horumarinta dalka, iyagoo dhanka kalena ka codsaday madaxda in lagu taageero himiladooda mustaqbalka, isla markaana fursado shaqo loo abuuro.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay dhallinyarada ayaa u sheegay in ay yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha aan wanaagsanayn, sida qabiilka, argagixisada iyo xumaanta.

“Dhallinyarada maanta iga hor-muuqata waxaan ku baraarujinayaa inay ka qayb-qaataan sugidda amniga iyo xasilinta dalka, haddii aan dowladdu helin kaalinta dhallinyarada ee sugida amniga - runtii wey adkaanaysaa in la helo amni, maalin kastana waxaad arkeysaan walaalihiin iyo waalidiintiin oo loogu laynayo hortiinna si gar-darro ah,” ayuu yiri Saacid oo kulankaas kaga dal-baday dhallinyarada inay xiriir wada-shaqeyneed la yeeshaan hay’adaha amniga ee dowladda, si looga hortago qaraxyada iyo falalka kale ee nabadda liddiga ku ah.

Isagoo lasii hadlaya dhallinyarada ayaa wuxuu yiri: “Waxaad tihiin madaxdii mustaqbalka hoggaamin lahayd dalka, annagu waxaan diyaar u nahay inaan idinku wareejino kuraasta, balse idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad la timaadaan waxqabad muuqda oo aad noqotaan dhallinyaro xil-kas ah.”

Gabagabadii, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa ka dalbaday wasaaradda adeegga bulshada inay soo abaabusho kulan ballaaran oo loogu magc-daray “Shirweynaha Dhallinyarada” oo ay hoostagto wasaaradda dhallinyarada kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah loogana hadli doono sidii dhallinyarada iyo dowladda uu u dhexmari lahaa xiriir wanaagsan.

Kulankii shalay galab dhexmaray dhalinyarada iyo ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha xukuumadda ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha kaasoo looga gol-leeyahay iskaashi buuxa oo dhex-mara qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xukuumadda, si loo horumariyo nabadda iyo deegaanshaha dalka 22-sano kaddib.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaalilya













Click here
7/14/2013 12:48 PM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ayaa maanta isaga baxay gabi ahaan gobolka Bay oo ay ku jirto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaas, waxaana ammaanka gobolka lagu wareejiyay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

7/14/2013 12:48 PM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Qaramadda Midowbay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo ka hadlay dib u dhigista doorashada dawladaha hoose ee maamula Puntland ayaa ku tilmaaay go’aankaas mid geesinimo ah.

7/14/2013 10:33 AM EST
Axad, July 14, 2013(HOL)—Waxaa magaalada Abidjan ee waddanka Ivory Coast lagu soo gabagabeeyey Shirweynihi Olympik ada qarammada Africa ANOCA. Shirka oo soconayay laba maalmood 12 & 13 July 2013 waxaa shalay la bixiyey warbixinnadii kala duwanaa waxaa sidoo kale dhacday doorashadii guddiga maamuli doona ururka 4ta sano ee soo socota.

7/14/2013 8:36 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Kulan weyn oo looga hadlayay sidii odayaasha dhaqanka ay ugu midoobi lahaayeen taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen madax-dhaqameedyo, odayaal, waxgarad iyo guddoomiyaha hay’ada wadahadalka bulshada, Ciise Axmed Cumar.

7/14/2013 8:25 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa maanta xariga ka jiray xafiis cusub oo waaxda socdaalka dowladda federaalka Soomaaliya ka her-galisay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/14/2013 8:06 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaa maanta lagu gubey sanaadiiqdii iyo waraaqihii doorashada ee loogu tala galay in maalinta berri ah ay dadku codkooda ku dhiibtaan.

7/14/2013 7:38 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeeray isbitaalkii Digfeer oo ay dib u dhis weyn ku sameeysay dowladda Turkiga. Kormeerkan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhiga, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada iyo danjiraha dalka Turkiga ee Somalia.

7/14/2013 7:24 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Wakaalada wararka ee Reuters ayaa daabacday warbixin muujinaysa in ciidamada Kenya ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha ee magaalada kismaayo.

7/14/2013 6:59 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/rxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey doorashadii goleyaasha deegaanka oo maalinta berri ah qorshuhu ahaa in ay ka qabsoomto dhammaan gobollada Puntland.

7/14/2013 6:27 AM EST
Axad, July 14, 2013(HOL):- Qarax xooggan ayaa maanta gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka, wuxuuna qaraxaasi ku dhaawacmay wadihii gaariga iyadoona sidoo kale uu ku burburay gaarigii lala beegsaday.

7/14/2013 3:35 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Qarax lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, qaraxaas oo uu ku dhaawacmay hal askari.

7/14/2013 3:30 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inay ku dileen taliye ku xigeenkii ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, ayna dhaawac ugu geysteen madaxii hay’adda CIA-da ee Bariga Afrika.

7/14/2013 3:24 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda xuquuqda aadanaha ee INXA oo lagu magacaabi jiray, Cabdi Faarax Sandheere; kaasoo la toogtay xilli uu kasoo baxay masaajidka Al-towba.

7/14/2013 3:11 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) — Haweenka wax-ka-barta machadyada diiniga ah ee magaalada Laascaanood ayaa soo bandhigay jariidad ama wargeys bille ah oo ka hadli doonta arrimaha haweenka iyo horumarintooda, kuna soo baxaya afka Carabiga.

7/14/2013 2:07 AM EST
Axad, July 14, 2013 (HOL) —Iyadoo berri deegaanada Puntland oo dhan looga dareeri doono doorashada goleyaasha deegaanka - oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee Puntland ka dhacda- ayaa maanta magaalada Qardho waxaa ka dhacay israsaaseyn xooggan oo u dhexeysey ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda qabsoomidda doorashada iyo geeddi socodka Dimuqraadiyadda ee Puntland.