4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Kooxo hubeysan oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ku toogtay Mas'uul ka Tirsanaa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee INXA

Axad, July 14, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda xuquuqda aadanaha ee INXA oo lagu magacaabi jiray, Cabdi Faarax Sandheere; kaasoo la toogtay xilli uu kasoo baxay masaajidka Al-towba.

Dableydii geysatay dilkan ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeyso dilka mas’uulkaan, mana jirto cid loo qabtay dilkaas. Balse ciidamada Puntland ayaa tan iyo xalay waday baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii dilkaas ka dambeeyay.

“Ciidamadu waxay ku jiraan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii dilkaas geystay, howgalladuna way soconayaa tan iyo inta laga soo qabanayo kuwa geystay ficilkaas dilka ah,” ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska Puntland.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in sarkaalka uu ku naf-baxay goobtii halkii lagu toogtay, iyadoo dilkan uu qayb ka noqnayo dilal soo laalaabtay oo degmada Gaalkacyo loogu geysanayay sannadihii lasoo dhaafay suxufiyiin iyo xubno ka tirsan hay’adaha samafalka.

Marxuumka la toogtay ayaa wuxuu ka mid ahaa sagaal xubnood oo dhawaan uu madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole uu u magacaabay dhawaan inay goobjoogayaal ka noqdaan doorashooyinka golaha deegaanka ee berri oo Isniin ah ka dhacaya guud ahaan Puntland.

Dilalka noocan oo kale ah ee ka dhaca deegaannada Puntland ayaa waxaa loo aaneeyaa inay ka dambeyso Al-shabaab, balse weli kooxdan kama aysan hadal dilkii xalay ka dhacay degmada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka kala taliya maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana dilkan uu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore lagu dilay degmadaas wariye Liibaan Qaran oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgeli jiray degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya