4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Qarax Miino oo Bartamaha Degmada Kismaayo lagula beegsaday Ciidammo ka Tirsanaa kuwa Maamulka Jubbaland

Axad, July 14, 2013 (HOL) — Qarax lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, qaraxaas oo uu ku dhaawacmay hal askari.

Weerarkan oo ka dhashay miino waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada sirta ee maamulka Jubaland, iyadoo halkaas uu ku burburay gaarigii ay ciidamadu wateen.

“Qaraxu wuxuu ka dhacay suuqa Umburotooriya ee xaafadda Faanoole ee degmada Kismaayo, wuxuuna ahaa mid xooggan oo laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada,” ayuu yiri wariyaha HOL ee Kismaayo, Xasan Nuur.

Sidoo kale, wariye Xasan Nuur wuxuu soo sheegayaa inaanay jirin cid weli sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas, iyadoo aysan welina ka hadlin mas’uuliyiinta maamulka Jubaland ee Kismaayo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha qaraxaan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya