4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeer ku sameeyay Isbitaalka Digfeer oo ay dib u dhistay Dowladda Turkiga (SAWIRRO)


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeeray isbitaalkii Digfeer oo ay dib u dhis weyn ku sameeysay dowladda Turkiga. Kormeerkan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhiga, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada iyo danjiraha dalka Turkiga ee Somalia.

Isbitaalka Digfeer oo la dhisay xilligii gumeysigii Talyaaniga ayaan helin wax  dayactir ah tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Somalia, iyadoo dowladda Turkiga ay burburisay dhismihii dheeraa ee isbitaalka kana dhigtay dhismayaal gaagaaban oo casri ah.

“Turkiga waxaan uga mahad-celinaynaa isbitaalka ugu casrisan bariga Afika oo ay ka hirgeliyeen Soomaaliya. Booqashadan waxay ahayd inaan muujino sida aan ugu faraxsannahay gurmadka walaalaheen Turkiga ay inoo fidiyeen waqtigii ugu habboonaa,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaiya oo intaas ku daray in booqashadii ra’iisul wasaaraha Turkiga Erdogan uu ku yimid Xamar ay wax weyn ka bedeshay sida Soomaaliya caalamku u arko.

Isbitaalkan cusub ayaa qaada 200 oo sariirood iyadoo qalabka lagu rakibay ay yihiin kuwo laga keenay dalka Turkiga oo casri ah. Isbitaalka waxaa laga garab dhisayaa masaajid aad u weyn iyo machadka kalkaaliyeyaasha ay wax ku bartaan. Sidoo kale waxuu yeelanayaa qolalka gurmadka deg-dega ah oo leh 28 sariirood.

“Isbitaalkan cusub waxuu shaqo u abuurayaa in ka badan 400 oo Soomaali ah iyo qoysaskooda. Mashaariicda horumarineed ee noocan oo kale ah waa kuwo uu dalku u baahan yahay bacdamaa uu dalku galayo marxaddii dib u dhiska iyo horumarka. Dowladdu ahmiyad gaar ah ayay siineysaa wax walba oo mashaariic u abuuraya shacabka Soomaalida,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay nabadda ka wada-shaqeeyaan si dalka looga hirgeliyo mashaariic casri ah oo shaqo u abuuri kara Soomaalida. Isagoo xusay in horumarka iyo nabaddu ay yihiin kuwo isku xiran.

Dhanka kale, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Cemalettin Kani Torun oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isbitaalkan loo dhisay uu yahay qaabka ay u dhisan yihiin isbitaalada dalka Turkiga.

“Turkigu wuxuu ka qaybqaadanayaa dhismaha Muqdisho oo dhan, isbitaalka la dhisayna waa mid qayb ka ah howlahaas,” ayuu yiri dajire Torun oo intaas ku daray in hay’daha Turkiga ay ka hirgelin doonaan Muqdisho dhismayaal aad casri ah u ah.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya