4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Faahfaahin ku saabsan Qarax Miino oo Kismaayo lagula beegsaday gaari ay wateen Ciidamada Amniga Maamulka (SAWIRRO)



Axad, July 14, 2013(HOL):- Qarax xooggan ayaa maanta gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay wadihii gaariga iyadoona sidoo kale uu ku burburay gaarigii lala beegsaday.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa Umbultooriyo ee xaafadda Faanoole, waxaana qaraxani uu ahaa mid aad u xooggan, walow qasaarihiisu uu koobanyahay.

Goobjooge ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan, wuxuuna xusay in uuro ay isqabsatay halkii uu qaraxa ka dhacay.

“Gaariga qaraxa lala damacsanaa xawli ayuu ku socday qaraxana waxa uu ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn, waxaan  hal mar maqalnay jug iyo gaarigii oo sii rogrogmaya,” ayuu goobjooguhu hadalkiisii raaciyay.

Afhayeenka maamulka Kismaayo C/naasir Seeraar oo isna goobta kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay oo qura  hal ruux..

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Kismaayo, waxayna halkaasi ka qabqabteen dad looga shakisanyahay in ay ku lug leeyihiin weerarka.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan qaraxyo isxigxigay gudaha magaalada lagula eegtay ay ciidam o ka tirsan kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya