4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Xariga ka jaray Xafiis Waaxda Socdaalka ay ka Hirgelisay Degmada Baladwene (SAWIRRO)


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa maanta xariga ka jiray xafiis cusub oo waaxda socdaalka dowladda federaalka Soomaaliya ka her-galisay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha oo hadal ka jeediyay munaasabada furitaanka xafiiska cusub ee waaxda socdaalka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay sharxaad kooban ka bixiyay muhiiimada uu xafiiskan u yeellan doono bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne, gaar  ahaan marka la eego heliska baasaboorka oo ay dhibaato xoog leh ku qabeen shacabka, madaama la joojiyay basaboorkii hore.

“In xafiiska waxaad socdaalka dowladda federaalka hergaliso magaalada Baladweyne iskama iman, laakiin waxaa ay ku timid dadaal dheer oo loo gallay,gaar ahaan nabad-galyada oo si wanaagsan looga shaqeeyay iyo maamulka gobolka oo xil gaar ah iska saaray sidii bulshada loogu fududeyn lahaa helista baasaboorada iyaga oo magaalooda jooga, ugu danebytiina dadaalkaas waan ku guuleysanay,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan in ay ka faa'ideystaan xafiiskan cusub, maadaama markii hore qasab ku aheydn in ay baasaboorka u doontaan magaalada Muqdisho.

Taliyaha qeybta booliiska gobollka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle oo ka hadllay munaasabadda ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaaweynayaa xafiiska cusub ee waaxda ama laanta socdaalka ka hergalisay magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in ay gacan ku siin doonaan howl-wadeenada laanta socdalka magaalada Baladweyne dhinaca nabad-galyada.

Madaxa xafiiska Ibraahim Xusseen Yuusuf ayaa sheegay in baasaboorka aan cid kasta la siin karin, gaar ahaan dadka danbiyada kala duwan ku eedeysan, isaga oo sheegay in lagu bixin doono baasaboorka damaanad.

“Qofka basaboorka qadanaya marka hore waa in la hubiyaa in uusa aheyn qof danbiile ah, marka arintaa la hubiyo kadib ayaa la siinayaa basaboorka,'' ayuu yiri madaxa xafiiska waaxda socdaalka magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan ciidamada Jabuuti oo ka hadllay munaasabada ayaa soo dhaaweeyay furintaaka xafiiska cusub oo sida uu sheegay shacabka u sahli kara safarada.

Dadka ku dhaqan magalada Baladweyne ayaa dhinacooda soo dhaweeyay in laga hergaliyo magaalada xafiis ay si toos ah uga heli karaan baasaboorka, halka markii hore ay ugu safri jireen helista baasaboorka magaalada Muqdisho ama Gaalkacyo.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya