4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Somalia oo ka Warbixiya Shirar uu uga soo Qayb-galay dalalka Belgium iyo France (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) —Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay, kaddib shirar caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlay oo uu uga soo qaybgalay dalalka Biljamka iyo Faransiiska.

Suleymaan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan xukuumadda, wuxuuna shir jaraa’id oo uu u qaybtay qaybaha warbaahinta uu kaga warbixiyay shirarkii uu kasoo qayb-galay iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka hore oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljamka ay  iskugu yimaadeen dalalka Midowga Yurub oo xiriir kala dhexeeyo, iyagoo ka wadahadlay sidii Somalia gacan looga siin lahaa wax ka qabashada arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

“Waxaan kasoo laabtay shir aan uga soo qayb-galay magaalada Brussels ee dalka Belgium iyo shir kale oo ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, shirka hore ee Brussels ka dhacay wuxuu dhexmaray ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo Jasiiradaha loo yaqaan Indian Ocean, ujeedkiisuna wuxuu ahaa sidi ay ururradan iskaashi u yeelan lahaayeen,” ayuu wasiirka maaliyadda ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay muhiimadda shirkaas uu ahaa sidii dalalku ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen wax-soo-saarka gaar ahaan dhinaca beeraha iyo sugidda amniga; isagoo intaas ku daray in dhaqaalaha dalakaas iyo midka Soomaaliya ay isku xiran yihiin.

“Muhiimadda shirku waxay ahayd sidii loo tayeyn lahaa wax-soo-saarka dhinaca beeraha, waad la socotaan Somalia xiliyada ay dhacaan abaaraha waxaa yaraada wax-soo-saarka dhinaca beeraha; taasoo ku xiran nolosha kumannaan qof oo Soomaaliyeed,” ayuu wasiirku mar kale yiri.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in magaalada Paris ee dalka Faransiiska uu kula soo kulmay qaar ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay inuu kala soo hadlay dib u soo celinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dhawaan ay billaabeen maamulka maaliyadda kaas oo ah mashruuc dheer oo soconaya muddo sannado ah ujeedkiisuna yahay tayeyna maamulka maaliyadda Soomaaliya.

“Qorshaha wasaaradda maaliyada ee sannadaha soo socda ay hiigsanayso waxaa ka mid ah dib u habeynta maamulka maaliyada Soomaaliya oo aan billownay sannadka socda, wuxuuna soconayaa muddo saddex sanadood ah, ujeedkiisuna waa kor u qaadidda maamulka maaliyadda si uu ula jaan-qaado sida ay calaamku wax u maamushaan, waxaana dalka dib u dhaca ku riday dagaaladii uu soo maray, sidoo kale hadda waxaan diyaarinay miisaaniyaddii sannadka 2014-ka oo iyadu ah tii uu dalku ku shaqayn lahaa sannadka soo socda - arrintaasi intaanan tagin baan mariyay xukuumadda dhawaanna waxaan la hor-geyn doonaa golaha baarlamaanka,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeynm wasiirka ayaa isla maanta kula shiray garoonka diyaaradaha Muqdisho madaxa hay’adda xiriirka caalamiga ah ee dalka Japan, Mr Hideo Eguchi, waxayna isla soo qaadeen sidii loo kobcin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo sidii Japan ay qayb weyn uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka; iyagoona labada masuul ay isla jeex-jeexey sidii dowladda Japan ay u kordhin lahayd kaalmooyinka ay siinayso Somalia uu noqon lahaayeen kuwo toos loo siiyo dowladda Soomaaliya.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya