5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Barnaamijka horumarinta degmooyinka Puntland oo sannadka soo socda ay ku bixi doonto lacag dhan 12-milyan oo Doollar

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Mashruuc lugu horumarinayo deegmooyin ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in sannadka soo socda ay ku bixi doonto lacag dhan 12-Milyan oo doollar.

Waxana barnaamijkaan la sheegay inuu wax ka qaban doono horumarinta adeegyadda bulshada sida; hagaajinta waddooyinka, dhismaha waddooyin cusub, iskuullo, goobo caafimaad iyo bilicda deegaanadda, waxana sannadka cusub ee 2014-ka uu noqonayaa mid si wayn looga faa’iidaysto howlahan.

Wasiirka arrimaha guddaha Puntland, Cabdullaahi Axmed Jaamac(Ilko-jiir) oo ka hadlayay barnaamijka horumarinta ee lugu magacaabo JPLG, ayaa wuxuu sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan illaa tobon degmo oo ka tirsan Puntland.

“Barnaamijkan JPLG, wu ka badalan yahay kuwii hore waxaa la kordhiyay degmooyinkii laga fulin jiray, waxana sannakaan diirrada lugu saarayaa hagaajinta waddooyinka, dhismaha waddooyin cusub, iskuullo, goobo caafimaad iyo bilicda deegaanadda, waxana sanadka cusub ee 2014-ka uu noqonayaa mid si wayn looga faa’iidaysto waxqabadkiisa," ayuu yiri Ilko-jiir.

Mashruucan lagu horumarinayo degmooyinka maamulka Puntland waxaa iska kaashaday deeq bixiyaasha caalamka iyo hay’addaha ku midoobay JPLG.

Ilko-jiir oo dib uga soo noqday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in ujeeddada safarkiisa isagoo xusay inuu ahaa sidii loo si horumarin lahaa mashruucan ay ka faa'idaysanayaan degmooyin ka tirsan Puntland, isagoo sheegay inuu ka qaybgalay shir ka dhacay Nairobi oo barnaamijkan looga hadlayay, iyadoo wasiirka ay ku wehliyeen safarkiisa duqayda degmooyinka mashruucan ka shaqeeyo, iyagoo kulammo la qaatay fuliyeyaasha barnaamijkan.

Si kastaba ha noqotee; waxaa barnaamijyadii midka ka horreeyay si aad ah uga faa’iideystay degmooyinka Puntland ka tirsan, kuwaasoo laga hirgeliyay mashaariic kala duwan.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya