4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalaya Xuska Maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo Maanta ka furmaya Magaaladda Jig-jiga

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay gaadhay magaaladda Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya oo ay ka socoto dabaaldega maalinta qoomiyadaha Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanya ayaa waxa magaalo xuduudeeda Wajaale kaga hor yimid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Maxamuud Cabdi Cumar, kaas oo si balaadhan ugu soo dhoweeyey Kililka shanaad ee Itoobiya.

Markii weftiga madaxweynuhu ay gaadheen Xuduudda Somaliland iyo Ethiopia u dhexeysa Waxa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa oo magaaladda Wajaale ugu yimid Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo qaabilaada ka dib Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisaba u kaxeeyey xarunta dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya ee Jig-jiga.

Madaxweynaha waxa weftigiisa ku weheliya  Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Beeraha,  Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada, Agaasimaha Guud Arrimaha Dibeda,  Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, Xildhibaan Indho indho (Golaha Guurtida) iyo marwadda kowaad ee madaxweynaha marwo Aamino Weris.

Madaxweyne Siilaanyo mudada labada maalmood ah ee uu socdaalka ku joogayo dalka Itoobiya waxa uu Magaalada Jigjiga kaga qayb geli doonaa shirka qoomiyadaha Itoobiya oo maalinta si rasmi ah uga furmi doona magaaladda Jig-jiga, waxaanu xalay ka qaybgalay munaasibad lagu daahfurayey furitaanka munaasibadan maalinta Qoomiyadaha ee Itoobiya oo ay iskugu imanayaan dhamaan dawlad deegaanadda Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa muddo dheer ugu dambaysay magaaladda Jig-jiga, wakhtigaasi oo uu hogaaminayey jabhaddii SNM, wakhtigaasi oo ay jig jiga ahayd magaalo kooban oo aanay horumar badan ka jirin.

Sidoo kale, warbaahinta Somaliland ayaa qorayey in wefti uu hogaaminayey wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya  A/laahi CiilMooge Xirsi iyo xubno la socda safaaradda Itoobiya ku leedahay magaaladda Muqdisho oo doonayey inay madaarka Hargeysa ka soo degaan si lug ugu galaan dhinaca Itoobiya ee  Jig-jiga ayaa la sheegay inay loo diiday inay ka soo degaan madaarka,ka dibna ay diyaaradii ay la socdeen u leexatay madaarka Jigjiga ee Itoobiya.

Haseyeeshee illa hadda kama hadal xukuumaddda Somalinad iyo Soomaaliya, haseyeeshee waxa jiray khilaafka xaga hawadda ah ka jira labadda dhinac oo aan ilaa hadda la isku marin.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland