4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Musharraxiinta Puntland oo soo Magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka Puntland (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) —
Iyadoo dhawr maalmood oo qura laga joogo xilligii uu Madaxweynaha Puntland soo magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada Baarlamaanka -guddigaas oo inta badan musharraxiinta u tartamaya madaxtinimada Puntland ay qaadaceen- ayaa waxaa maanta guddi kale oo kaas lamid ah ku dhawaaqay qaar kamid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso ku sugan.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen lixda musharrax ee kala ah: Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Dr. Shire Xaaji Faarax , Dr. Yaasiin Faarax Cartan,  Jen. C/laahi Saciid Samatar, Dr. Axmed Cabaas Axmed iyo C/laahi Sheekh Axmed, ayaa lagu sheegay in musharraxiintu ay isku raaceen in iyagu ay soo magacaabaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in go'aanka guddigan lagu soo magacaaabay uu yahay mid ay musharraxiintu wada-tashi kala sameeyeen isimmada iyo waxgaradka Puntland, sidaas darteed ay ugu baaqaayaan musharraxiinta kale, dadka reer Puntland iyo beesha caalamkaba in ay guddigan aqoonsadaan.

Guddiga ay musharraxiintu soo magacaabeen oo kooban siddeed xubnood, waxaa madax looga dhigay Inj. C/risaaq Xuseen Gacayte, oo horay usoo noqday wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, waxayna magacyadoodu kala yihiin sidan:

  1. Inj. C/risaaq Xuseen Gacayte - Gudoomiye
  2. Faysal Cabdi Diiriye - Xoghaye
  3. C/nuur Maxamed Maxamuud (Baalle) - Xubin
  4. Maxamed Yuusuf Cabdi (Qoryooley) - Xubin
  5. Cawil Xaaji Maxamed Ducaale - Xubin
  6. Siciid Xasan Ibraahim (Warma-jaale) -Xubin
  7. C/risaaq Maxamed Xaaji Xasan (Burgal) - Xubin
  8. Siciid Cismaan Aadan -Xubin

Musharraxiinta ayaa dhowr mar oo hore ka dhawaajiyey in aysan aqbali doonin, in Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada Baarlamaanka uusoo xulo Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole; maadaama isaga qudhiisu uu musharrax yahay.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya