4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Wariye Cali Maxamed Suldaan oo ku Geeriyooday Degmada Gaalkacyo isla Maantana lagu Aasay Bariga Magaalada (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maanta ku geeriyooday wariye Cali Maxamed Cali (Suldaan) oo ka mid ahaa wariyaasha waqtiga dheer kusooo jiray warbaahinta Soomaalida.

Wariyaha ayaa muddo ku jiray isbitaalka magaalada Gaalkacyo halkaaso uu ku xanuusanaa, isagoo u geeriyooday xanuunkii uu isbitaalka u jiifay xilliga dheer.

Aaska suxufiga waxaa ka qayb-galay xubno kala geddisna oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda duuliska hawadda ee Puntland, guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug, bahda warbaahinta gobolka iyo qaybaha bulshada Gaalkacyo.

Dhamaan mas'uuliyiintii iyo dhinacyadii kasoo qayb-galay aaska wariye Cali Suldaan ayaa hadallo tacsi ah ka jeediyay qabuuraha lagu aasay oo barriga Gaalkacyo ku yaalla, iyagoo Rabbi ugu baryay wariyaha inuu u naxariisto.

Wariye Suldaan ayaa ahaa wariye si weyn looga dhex yaqaanay saxaafadda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna muddo dheer ahaa wariye; isagoo ka howlgalay warbaahinno ay ka mid ahaayeen; Raadiyaha Codka Nabadda, Raadiyo Daljir, telefishinnada ETN iyo HCTV iyo weliba telefishin la aasaasay dhawaan oo lagu magacaabo Puntland TV oo uu wakiil uga ahaa gobolka Mudug.

Allaha u raxmadee wariye Cali Suldaan wuxuu ifka uga tagay lix carruur ah oo kala ah; saddax wiil iyo saddex gabdhood iyo hooyadood.







 

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya