4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Duqa Magaalada Hargeysa oo ka Warbixiyay Waxyaabaha u Qorsheysan in ay Bishan December ka Hirgeliyaan Magaalada

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ka warbixiyey bishan December ee sanadkan waxyaalaha u qorshaysan inay qabtaan ee ka ay ka mid yihiin qurxinta iyo hagaajinta Bilicda magaaladda Hargeysa.

Maayarka ayaa sheegay inay jardiimo weyn ka samayn doonaan bartamaha magaaladda Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Cisbitaalka Hargeysa, waxaanu baaq u diray dadka ka ganacsadda agagaarka Cisbitaalka inay ka guuraan, maadaama oo marmar iyo qurxin laga samaynayo Cisbitaalka guud.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirkadaha Qashinka Gura  shuruudihii laga rabay ku eegtahay maanta oo Axad ah, isla markana go’aanka shirkadii fulin wayda shuruudihii la soo saari doona maalinta Salaasadda.

Maayar Cabdiraxmaan waxa kale oo uu xusay inay bishan u imanayaan gaadiid kale oo ay soo iibsadeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba gaadhi oo waaweyn oo iska rogooyin ah, Baldawser, saddex Ruglay, xabad Garaydher ah iyo hal xabo oo gaadhigii weynaa ee qaadayey cagafyada kolba marka meel loo rarayo u qaadayey.

“Bisha December waxaanu qaban doonaa oo noo qorshaysan horumarinta iyo Bilicda magaaladda hagaajino,  Maalinta Salaasada ah waxa shir iskugu iman doona dhamaan xubnaha  golaha deegaanka oo go’aan ka soo saari doona shirkadaha qashinka ka guro magaaladda ee aan buuxin shuruudihii laga rabay oo ahaa inay shirkad kasta keensato toddoba gaadhi oo ay leedahay iyo inay gaadiidkooda dusha ka saaraan marka uu qashinka saaran yahay,“ ayuu yidhi Duqa magaaladda Hargeysa Caydiid.

Maayar Soltelco waxa uu sheegay inay bishan u qorshaysan tahay inay degmooyinka Hargeysa ka hirgaliyaan Garoomo kubadood oo iskugu jira kuwii Cagta iyo gacantaba, waxaanu yidhi “ waxa kale oo aanu bishan December qorshaha noogu jirta mashaariicda lagu horumarinayo Ciyaaraha oo aanu ugu tallogalnay inay degmo kasta hesho Karoomo ku filan, anaga oo ka jawaabayna baahidda dhalinayarada Hargeysa haysta iyo Garoomo la’aanta”.

Mar kale Maayarka oo ka hadlay dib u dhiska wadooyinka caasimadda ee Roobabku burburiyeen waxa uu yidhi “waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa wadooyinkii roobabku waxyeeleeyeen, badhna waa la sameeyey ilaa Todoba kalena waanu dhisaynaa bishan December oo shaqadoodu bilaabi doonaa maanta,wadooyinkaasi oo kala ah Cabaaye, Togdheer, xero Awr, Octobar, biibsiga iyo Maxamuud Axmed Cali iyo wadada dambe ee dhakhtarka dabadiisa marta”

“Waxaanu bishan December samayn doonaa Jardiinadii koowaad ee Hargeysa laga sameeyo oo aanu ka samayn doono wasaaradda caafimaadka horteedda,  waxaana marmar ku wareejin doonaa Cisbitaalka”ayuu yidhi mar kale isagoo Caydiid ka hadlaya meelo lagu nasto oo laga samayanyo cisbitaalka guud agtiisa.

Sidoo kale, Duqa Hargeysa ayaa sheegay inay bixinayaan qandaraasyo Marmarka lagu hordhigayo dhamaan meheradaha magaaladda hortooda, kuwaas oo isku xidhi doona laamida  iyo guryahoogga.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland