4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Boqorka Guud ee Beelaha Jareer-weyne ee Somalia oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Hargeysa
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Boqorka guud ee beelaha Jareer weyne ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweynaha ku nool magaaladda Hargeysa ee ka soo jeeda beelahaasi, waxa kale oo ka soo qaybgalay madax dhaqameed ka tirsan beelaha Somaliland.

Xaflad si balaadhan loo soo agaasimey ayaa loogu qabtay hoteel Maroodi jeex ee magaaladda Hargeysa, kaas oo lagu soo dhawaynayey boqorka guud ee beelaha jareerweyne Boqor Faarax Cabdi Guure oo booqasho ku yimid Hargeysa, waxaana madax dhaqameedka beelahan iyo madax dhaqameedka beelo reer Somaliland qaarkood ku heshiiyeen inay iskaashi iyo xidhiidh sokeeye dhexmaro, isla markaana waxyaalo badan ka wada shaqayn doonaan oo labadda dhinac dan u ah.

Sheikh Maxamed Cabdile jaamac oo ka mid ah culimadda qoomiyadda beelaha jareer weyne ee degan magaalada Hargeysa, ayaa soo dhoweeyey xidhiidhka cusub iyo iskaashiga ee beelahooga iyo beelaha Somaliland dhexmari doonaa, kuwaas oo noqon doono wax wada qabsi iyo iskaashi labadda dhinac dhexmari doonna.

“Jareer weyne maaha qabiil ee waa qoomiyad loo yaqaan Baantu oo degan sagaal gobol oo meelaha  ugu wanaagsan soomaaliya ah, marka maanta waxa sharaf noo ah in uu nagala soo qaybgalo boqorka guud boqor Faarax iyo suldaanka beelaha Isaxaaq ee Somaliland, anagu dad nabadeed baanu nahay,”ayuu yidhi sheikh Maxamed, waxaanu sheegay in nolol iyo nabad ay ku heleen Somaliland, Somaliland wax badan ka faa’iiday beelahan jareer weyne oo farsamo badan ku soo kordhiyeen.

Boqorka guud ee beelaha Jareer-weyne Boqor Faarax Cabdi Guure oo isna halkaasi ka hadlay ayaa suldaanka beelaha bariga Hargeysa ku wareejiyey xeerka beelaha Jareer weyne iyo Kitaabka quraanka ah oo uu sheegay in wixii ay gaystaan ama loo geysto lagu xukumo kitaabka quraanka ah iyo xeerkooda dhaqan.

Waxaanu boqorku sheegay in wixii dhib ah ee yimaada inta ay somaliland joogaan uu masuul ka noqonayo suldaana uu u noqonayo suldaan Yuusuf Xiiray oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland.

“Suldaan dadkani waa dad nabadeed, kolay bulsho in xun lagama waayo balse waa dad intooda badani wanaagsan yihiin oo daacad ah, marka intooda xuna waad u dulqaadanaysaan, waxaanan kugu wareejinayaa kitaabka quraanka ah oo wixii ay geystaan ama loo geysta lagu xukumi doonaan iyo xeerka beelahayaga jareerweyne”ayuu yidhi boqorka Guud ee Boqor Faarax Cabdi Guure.

Waxa isaguna halkaas ku soo dhoweeyey suldaan Yuusuf Xiiray oo balanqaaday inuu suldaan u yahay wixii beelaha jareer weyne ah ee Somaliland jooga, waxaanu ka codsaday in aqoonta ay u leeyihiin xaga beeraha uga faa’iideeyaan oo la baro, isla markaana waxa uu ugu deeqay in uu dhul beereley ah uu siin doono, kaas oo ay iskood u lahaan doonaan kana manaafacaadsan doonaan.

Suldaan Xiiray ayaa sheegay in wixii dhib ah ee ku yimaada uu la qaybsan doono, isla markaana ay la soo xidhiidhaan hadba wixii ku yimaadda, waxaanu ilaahay u baryey in deegaankooda iyo guud ahaan Soomaaliya ilaahay nabad uga dhigo.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay suldaan Ibraahim Faray oo ku hadlayey Afka beelaha Hawiye, Caaqil Arwaax oo ka mid ah beelah Jareer weyne, Chief Caaqil Cabdi Yuusuf, caaqil Xasan Aadan Jire, Oday Ibraahim Cabdi Yuusuf, Xildhibaan Maxamed-Wali Warsame oo iyaguna ku hadlayey beelaha bariga magaaaladda Hargeysa.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland