4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Hay'adda Nabadsugidda Qaranka oo Maanta sheegtay inay inay la wareegto Guryo ay ka heshay Hub iyo Walxaha Qarxa
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda ayaa soo bandhigtay maanta hub ay sheegtay inay kasoo qabteen guri ku yaalla xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa; iyadoo sidoo kale soo bandhigay wiil dhalinyaro ah iyo xaaskiisa oo ay sheegtay inay deggenaayeen guriga hubka lagu soo qabatay.

Taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta hay'adda nabadsugidda ayaa sheegay inay la wareegeen guryo ay ka heleen hub, kaddib baaritaanno ay xalay sameeyeen, kuwaasoo dhammaantood ku yaalla degmada Huriwaa.

"Xalay illaa saakay waxaa howlgal ka wadnay degmooyin ka tirsan Muqdisho ay ka mid yihiin: Yaaqshiid, Huriwaa iyo Dayniile, waxaan kusoo qabannay hub guryo ku keydsanaa oo bastoolado ay ku jireen iyo dadkii ku howl-galayay, waxaan ummadda u soo bandhigaynaa cid kasta oo dhibaato ku haysa," ayuu yiri Col. Erego oo intaas ku daray in howgalkii ugu dambeeyay ay kusoo qabteen hub ku jiray saddex guri oo miinooyin ay ka mid ahaayeen.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay inay xog ku heleen halka ay yaalleen hubka iyo waxyaabaha qarxa, isla markaana maalin iyo habeen ay ka shaqeynayeen sidii ay kusoo qaban lahaayeen, isagoo xusay in miinooyinka ay qabteen loogu talogalay in bilaha soo socda qaraxyo lagu fuliyo.

Col. Ereg wuxuu shacabka uga digay inay iska hubiyaan cid walba oo ay guryaha ka kireynayaan, isagoo daboolka ka qaaday in gurigii laga helo iyo waxyaabaha qarxa ay la wareegi doonaan; go'aankoodana uu yahay mid aysan ka laaban doonin.

Dhinaca kale; wiil dhalinyaro ah oo qirtay inuu ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isaguna la hadlay warfidiyeenka, isagoo xusay in haweeneyda lasoo bandhigay ay xaaskiisa tahay laguna soo qabtay howlgal xalay laga fuliyay degmada Huriwaa.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii u horreeyay noociisa oo ay hay'adda nabadsugiddu ay kula wareegto guryo ay ka heshay hub iyo waxyaabaha qarxa, waxaana horay ay hay'addu u bixisay digniin ah in dadka guryaha iska leh ay sharciga geeyaan ruux walba oo ay doonayaan inay gurigooda ka kireeyaan, si loona socdo xaaladda qofka kireystay gurigooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya