4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Faahfaahin ku saabsan Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)
Balad.JPG
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa markii uu garoonka ka soo dagay waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax isaga oo salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti.

Intaa kadib waxaa uu madaxweynaha kulan kula qaatay goob loo diyaariyay oo duleedka magaalada ah waxgaradka, odayaasha dhaqanka saraakiisha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan.

Bal.JPG

Madaxweyne Xassan Shiikh oo hadal dheer ka jeediyay madasha ayaa farisay ujeedada socdaalkiisa Baladweyne oo uu ku tilmaamay in uu dhibaatada la qeybsado dadka ku dhaqan magaalada oo ay dhawaan ku dhufteen biyo ka soo rogmaday wabiga Shabeelle.

Mudanayaasha kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee madaxweynaha ku wehliyay safarkiisa ayaa waxay kala ahaayeen: Xildhibaan Max'ed Xassan Ibraahim (Qoono), Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Xildhibaan Nadiifo Maxamed Cismaan.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynuhu sheegay in socodaalkiisu yahay mid salka ku haya in uu bulshada gobollka Hiiraan u fasiro wax qabadka dowladdiisa mudada afarta sano ah ee soo socta, iyo waliba in uu dadka la qeybsado ra’yigooda ku aadan nooca ra’iisal wasaaraha ay doonayaan.

"Marka uga horeysa waxaan aad uga xunnahay masiibadii soo food saartay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ay ku dhuftay fatahaada wabiga Shabeelle, runtii dowladdu arintaa ma mooga, waana tan maanta na keentay halka, inkastoo gacanta dowladdu iska gaaban tahay, haddana waxaa ay diyaar u tahay dowladdu in ay dhibaatada la qeybsato dadka,’’ ayuu madaxweynuhu yiri.

Sidoo kale madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud waxaa uu soo hadal qaaday wax qabadka dowladdiisa mudada afarta sano ah ee soo socta, waxaana uu si gaar ah carabka ugu adkeeyay dhinaca nabad-galyada.

"Haddii uusan amaan jirin wax kale oo jiri kara malaha, waana tan keentay in muhiimadeena kuwaad, labaad, iyo sadaxaadba aan ka dhigno amniga," ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay hadda ku howlan yihiin sidii ay u soo magacaabi lahaayeen ra’iisal wasaare soo dhisa xukuumadii shaqeyn laheyd mudada afarta sano ah ee soo socta, sidaa daraadeed loo baahan yahay dadku in ay fikirkooda ka dhiibtaan nooca ra’iisal wasaarraha ay u baahan yihiin.

"Waxaa rabaa in aan idin weydiiyo nooca ra’iisal wasaaraha aad u baahan tihiin, waxaa uu doonayo in uu qabto, iyo waxa ay tahay in uu ka hor tago,’’ ayuu mar kale ku yiri madaxweynuhu hadal uu jeediyay.

Ugu dambeyn, mar uu soo hadal-qaaday arinta ku saabsan dhimaha maamul gobolleedyada, waxaa uu sheegay in hadda ka dib aysan dhicin doonin in gobollada maamul kor looga keeno, laakiin loo baahan yahay bulshadu in ay iyadu soo doorato qofka ay dooneyso in uu hogaamiyo.

"Anniga marar badan ayaan Baladweyne soo gaaray, waliba aniga oo cilmi baaris ka sameynaya, waan ogahay wax yaabaha jir jira iyo sida leysku diidan yahay, laakiin waxaa leeyahay reer Hiiraan ama reer Baladweyne labo wado ayaa u furan, in ay hishiiyaan oo ay maamulkooda dhistaan iyo in ay gacamaha kor u taagaan oo meelo kale looga taliyo ayuu yiri," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ammaanka magaalada Baladweyne waxaa si weyn u sugayay ciidamada maamulka gobolka, Itoobiya iyo kuwa ka socda midowgga Africa AMISOM ee ka yimid dalka Jabuuti."

Balad3.JPG
Balad2.JPG
Balad4.JPG
Balad5.JPG

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya