Talaado, October 02, 2012(HOL) - 16-kii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.
Magaalada Muqdisho oo burbur culus ay gaarsiiyeen dagaallada dheeraa ee ka dhacay 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa haatan u muuqata inay si tartiib ah uga soo kabanayso dhanka dhismaha, iyadoo ay dalka ka bilowdeen, dhismayaal xoog leh oo guryo aad u bilic qurxoon laga dhisayo caasimada.
Laga soo bilaabo ayraboorka ilaa iyo xaafadaha magaalada waxaad arkaysaa isbadalka socda oo laga dareemayo dhanka dhismayaasha in dalku uu galay marxalad cusub oo dhanka horumarka ah.
Dhismaha ugu badan waxaa wada dadka kasoo noqday qurbaha oo iyagu ah cududa dhaqaale ee dalka.
C/qaadir
Axmed (Kamtiirey) oo ah agaasimaha waaxda qurbo joogta ee wasaarada arrimaha
dibadda ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dib u dhiska dalka uu bilowday, balse
looga baahanyahay qurbo-joogta inay sameeyaan dadaal intaa ka badan.
C/qaadir
Axmed (Kamtiirey), Agaasimaha waaxda qurbo-joogta
“Dib u dhiska qurbo-joogtu waa mid qayb wayn ka qaadanaya , horumarka iyo xasilinta dalka,balse dadaal intaa ka badan ayaa loo baahanyahay, burburka dalka gaaray waa mid ballaaran oo aan maalin iyo labo looga soo kaban Karin” ayuu yiri C/qaadir.
“Waxaan dajinay mashruuc ballaaran oo lagula kulmayo qurbo-joogta ku nool dhammaan wadamada aduunka, kaasoo looga qayb-galinayo dib u dhiska dalka” ayuu sii raaciyay.
Marka laga soo tago doorka qurbo-joogta Waxaa jira ganacsato aan ka bixin gudaha dalka kuwaas oo iyaguna kaalin muuqata ka ciyaaraya hor-u-socodka dhaqaale ee wadanka.
Suuqyada
magaalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoog leh oo dhanka
ganacsiga ah.
Waxayna ganacsatadu kuu sheegayaan in marka la isku daro dhaqaalaha ay dalka soo galinayaan qurbo-joogta iyo ganacsatada gudaha ay sare u qaaday dakhliga fardiga ah ee dadweynaha, taasoo sii xoojinaysa xasiloonada dalka.
Junayd
Ismaaciil Egale oo ah dhalinyarada qurbaha kasoo noqotay oo lasoo shaqeeyay
wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dhismaha dalka ka
bilowday uu sii xoogaysan doono, hadii xukuumada soo socota ay la timaado
waxqabad muuqda.
Junayd
Ismaaciil Egale oo ah dhalinyarada qurbaha kasoo noqotay
“Waa in xukuumada cusub ee la dhisayo ay noqotaa mid tayo leh, taasi waxay dheeri galin doontaa in Soomaalida iyo qurbo-joogtuba ay sii siyaadiyaan maalgashiga dalka” ayuu yiri Junayd.
“Dadka dibadu rajada ugu badan waxay ku xirayaan xukuumada soo socota sida ay u shaqayso, waana midaas tan lagu kala ogaan doono halka ay dalku u jihaysanayo” ayuu sii raaciyay Junayd.
Inkastoo
Soomaaliya ay soo martay wakhti dheer oo aad u adkaa, waxaa la rumaysanyahay in
dadka Soomaalida ah ay awood aan qarsoonayn u leeyihiin dhanka ganacsiga,
taasoo qayb wayn ka qaadan doonta dhismaha iyo soo celinta bilicdii Muqdisho, waase
haddii ay dawladu qaado tallaabooyin ay ku adkaynayso ammaanka dalka.








Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya