3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Kismaayo

Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya ee AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni ay si rasmi ah maanta ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Jen. Saxardiid oo saxaafadda la hadlayay isagoo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ammaanka magaalada Kismaayo uu yahay mid wanaagsan, balse ay qabteen dhowr qof oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo maxkamad lasoo taagi doono.

"Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni waxay si buuxda ula wareegeen maanta oo Talaado ah gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, xaaladduna waa mid deggen," ayuu yiri Jen. Saxardiid.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax dhibaatooyin ah oo ka dhacay degmada markii ay soo galayeen, ayna amar ku siiyeen dadka shacabka ah inaysan hub ku dhex-qaadan karin gudaha degmada sidoo kalena aan la arki karin kooxo u dhisan qaab abaabulan.

"Waxaan amar ku bixinnay inaan la arki karin cid hub ku dhex-wadata magaalada, ciddii lagu arko waxaan u qaadanaynaa inay ka mid yihiin kooxihii nala dirirayay," ayuu yiri Jen. Saxardiid, isagoo xusay in ammaanka magaalada ay aad u adkeeyeen.

Xoogaggii Xarakada Al-shabaab ee shanta sano ka talinayay Magaalada Kismaayo ayaa isaga baxay halkaas horraantii toddobaadkan, kaddib markii culeys milateri ay kala kulmeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo is-garabsanaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/2/2012 4:55 PM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL): Ciidamada dowladda KMG, kuwa raaskaamboni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay magaalada Kismaayo, iyadoona ay ciidamadu fariisimo ka sameysteen saldhigga dhexe ee magaalada, Dekedda, garoonka diyaaradaha iyo weliba daafaha magaalada.

10/2/2012 1:53 PM EST
Talaado, Oktoobar 2, 2012 (HOL) - Waxaa maanta weerar gaadmo ah lagu qaaday wefdi isugu jirey xubno ka tirsan hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda (TIKA) iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Puntland, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Bacaadweyn.

10/2/2012 9:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

10/2/2012 9:34 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda ayaa soo bandhigtay maanta hub ay sheegtay inay kasoo qabteen guri ku yaalla xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa; iyadoo sidoo kale soo bandhigay wiil dhalinyaro ah iyo xaaskiisa oo ay sheegtay inay deggenaayeen guriga hubka lagu soo qabatay.

10/2/2012 9:18 AM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL) - 16-kii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.

10/2/2012 9:04 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Boqorka guud ee beelaha Jareer weyne ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweynaha ku nool magaaladda Hargeysa ee ka soo jeeda beelahaasi, waxa kale oo ka soo qaybgalay madax dhaqameed ka tirsan beelaha Somaliland.

10/2/2012 7:05 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-isweydaarsi soconayay muddo labo maalmood ah, kaasoo lagu soo nooleynayay ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka ee loo yaqaano (Folklore Dance).

10/2/2012 3:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadihii Baladweyne ku dhuftay gaarsiisay gargaar kala duwan oo ku kacay lacag gaaraysa 100,000 oo doollarka Mareykanka ah.

10/2/2012 3:10 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda MSF ayaa ka dayrinaysa xaaladaha murugsan ee ka jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal kun oo qoxooti Soomaaliyeed ah, iyadoo warsaxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay in iyadoo toddobaadkan ay hoggaamiyeyaasha dowladuhu ku kulmaya munaasadda 63-aad ee guddiga fulinta ee UNHCR ay tahay xaaladda ay ku nool yihiin qoxootiga dhadhaab ku jira mid adag.

10/2/2012 2:43 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo garoonka degmada Baladweyne si weyn loogu soo dhaweeyay.