8/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 2 , 2012
Hay'adda MSF oo ugu baaqday Hoggaamiyeyaasha Dunida inay Caawiyaan Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab-Kenya
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda MSF ayaa ka dayrinaysa xaaladaha murugsan ee ka jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal kun oo qoxooti Soomaaliyeed ah, iyadoo warsaxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay in iyadoo toddobaadkan ay hoggaamiyeyaasha dowladuhu ku kulmaya munaasadda 63-aad ee guddiga fulinta ee UNHCR ay tahay xaaladda ay ku nool yihiin qoxootiga dhadhaab ku jira mid adag.

Ururka dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa dalalka qaybta ka ah heshiiska qaxootiga ugu baaqay inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda Kenya ee qaxootigan marti-gelisay iyo UNHCR si ay markaa uga soo baxaan mas’uuliyadaha kaga aaddan qaxootiga Dhadhaab. Tallaabooyin xooggan oo lagu sii wanaajinayo ilaalintooda iyo gargaarkooda ayaa ah waajib mudan in la hirgeliyo.

“Waxaan su’aal weyn ka qabtaa heerka gargaarka la siiyo qaxootiga,” ayaa uu yiri Bruno Jochum oo ah agaasimaha guud ee MSF oo toddobaadkii lasoo dhaafay tagay xerada Dhagaxleey oo ka tirsan xeryaha Dhadhaab. “Iyadoo xaaladaha ammaanku ay tahay mid xun ayaa adeegyada aasaasiga ah iyo bixinta gargaarku ay aad hoos ugu dhaceen mana ahan mid lala yaabo in qaxootigu ay haddana mar kale ka dhex dillaaceen cudurrada daacuunka iyo hepatitis E.”

MSF waxay warbixinteeda ku sheegay in tan iyo sannadkii la soo dhaafay ee 2011, maaliyadda uu caalamku siiyo xerooyinka Dhadhaab ay hoos u dhacday in ka badan 40% iyadoo tirada qaxootiguna ay sii kordhayso. Iyadoo xilli-roobaadku uu dhawaan bilaabanayo, ayaa MSF waxaa walaac ku haya hoy la’aanta iyo fayadhowr la’aanta jirta. Gargaarka ku-meel-gaarka ah ee hadda la bixinayo ayaa iska cad inuu yahay mid aan dad ku filnayn iyadoo aysan su'aalo ka taagnayn in waqti kaddib ay dhici karto inay mar kale ku dhufato dhibaato bani’aadamnimo qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab-Kenya.

“Xaqiiqada ah in qaxootiga dhawaan yimid aan la diiwaan-gelin ma ahan mid la aqbali karo, waana caddahay inay tahay xadgudub lagu xadgudbay heshiisyadii qaxootiga iyo mucaahaddooyinka caalamiga ah,” ayuu Jochum hadalkiisa ku daray. “Waxaan dhiirri-gelineynaa wadahadallada socda ee lagu xallinayo arrintan muhiimka ah ee arrimaha qoxootiga looga hadlayo. Diiwaan-gelintu waa in si deg-deg ah dib loogu bilaabaa.”

Maaddaama ay Soomaaliya weli ka jiraan iska-horimaadyo hubeysan ayaa arrinta ah in dad badan dib loogu celiyo dalkooda ay noqonaysaa mid laga hor-dhacay. Xaaladaha ammaanka ee dhulka ka jira ayaa ah kuwo aan suuro-fal ka dhigayn in gargaar la gaarsiiyo dadkaas.

Inkastoo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay soo roonaatay xaaladda ammaanka ee Dhadhaab ayaa waxaa haddana qaxootiga weli haysta dhibaatooyin kala duwan oo ka dhaca gudaha xerooyinka, kuwaasoo aan weli ahayn goobo ammaankooda la isku halleyn karo.

"Hawlihii hay’adaha gargaarka ee ay ka mid tahay MSF ayaa culeys weyni saaran yahay. Tan iyo bishii Luuliyo kaddib markii shaqaale hay'adda ka tirsan afduub lagu qabsaday, taasina waxay horistaagtay in shaqaalaha caalamiga ah ee MSF ay kasii wadi karaan howlahooda caawinta xeryaha Dhadhaab. Maanta waxaa halis ku jira awoodda ururkan caafimaadku u leeyahay inay si habboon wax uga qabtaan xaaladaha caafimaadka deg-degga ah ee ba’an iyo inay bixiyaan gargaar caafimaad," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka MSF ay soo saartay.

Hay'adda MSF waxay ku baaqday in si deg-deg ah dib loogu furo diiwaan-gelinta qaxootiga cusub iyo in la hirgeliyo siyaasado lagu ballan-qaadayo ilaalintooda. Waa in sidoo kale la qaadaa tallaabooyin deg-deg ah si loo kaafiyo baahiyaha aasaasiga ah ee qaxootiga, gaar ahaan baahiyaha hoyga iyo fayo-dhowrka. Waa in wanaagga qaxootiga Dhadhaab ay muhiimad siiyaan dalalka qaybta ka ah heshiiska Qaxootiga.

Ugu dambeyn, MSF waxay hawshiisa waddaa cusbitaal 200 sariirood qaada oo ku yaalla xerada Dhagaxleey oo ka mid ah shanta xero ee qaxootiga ee Dhadhaab la isku yiraahdo. Shaqaalaha MSF waxay sameeyaan celcelis ahaan 14,000 la-talin caafimaad ah bil kasta waxaana ay seexiyaan 1,000 bukaan oo ka kala tirsan qaxootiga iyo bulshooyinka degaanka martigeliyey. Cusbitaalku wuxuu bixiyaa daryeelka dadka waaweyn iyo carruurta, daryeelka umulinta, qalliin iyo daaweynta HIV/AIDS-ka iyo qaaxada. MSF waxay sidoo kale hawshooda waddaa afar rugo caafimaad oo ku yaalla Dhagaxleey, kuwaasoo bixiya daryeel caafimaad oo ay ka mid yihiin daryeelka ka horreeya dhalidda, tallaalada iyo daryeelka caafimaadka dhimmirka.

Hal sano ka hor  bishii Oktoobar 2011 ayay ahayd markii laba shaqaalaha MSF ka tirsan oo lagu kala magacaabo, Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut afduub looga kexeystay xeryaha qaxootiga Dhadhaab; iyagoo gargaar caafimaad oo deg-deg ah siinaya dadka Soomaaliyeed. Illaa hadda waa la haystaa, waxaana taasi ay keentay in hay'adda MSF ay joojiso mashaariicdii waaweyneyd ee ay ka fulin jirtay xeryaha Dhadhaab-Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/2/2012 4:55 PM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL): Ciidamada dowladda KMG, kuwa raaskaamboni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay magaalada Kismaayo, iyadoona ay ciidamadu fariisimo ka sameysteen saldhigga dhexe ee magaalada, Dekedda, garoonka diyaaradaha iyo weliba daafaha magaalada.

10/2/2012 1:53 PM EST
Talaado, Oktoobar 2, 2012 (HOL) - Waxaa maanta weerar gaadmo ah lagu qaaday wefdi isugu jirey xubno ka tirsan hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda (TIKA) iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Puntland, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Bacaadweyn.

10/2/2012 9:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

10/2/2012 9:34 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda ayaa soo bandhigtay maanta hub ay sheegtay inay kasoo qabteen guri ku yaalla xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa; iyadoo sidoo kale soo bandhigay wiil dhalinyaro ah iyo xaaskiisa oo ay sheegtay inay deggenaayeen guriga hubka lagu soo qabatay.

10/2/2012 9:18 AM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL) - 16-kii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.

10/2/2012 9:04 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Boqorka guud ee beelaha Jareer weyne ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweynaha ku nool magaaladda Hargeysa ee ka soo jeeda beelahaasi, waxa kale oo ka soo qaybgalay madax dhaqameed ka tirsan beelaha Somaliland.

10/2/2012 8:10 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya ee AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni ay si rasmi ah maanta ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

10/2/2012 7:05 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-isweydaarsi soconayay muddo labo maalmood ah, kaasoo lagu soo nooleynayay ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka ee loo yaqaano (Folklore Dance).

10/2/2012 3:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadihii Baladweyne ku dhuftay gaarsiisay gargaar kala duwan oo ku kacay lacag gaaraysa 100,000 oo doollarka Mareykanka ah.

10/2/2012 2:43 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo garoonka degmada Baladweyne si weyn loogu soo dhaweeyay.