Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo garoonka degmada Baladweyne si weyn loogu soo dhaweeyay.
Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan, kuwa Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Baladweyne ayaa waxay adkeeyeen amaanka guud ee magaalada, madaxweynuhu wuxuu hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay in dowladdu ay gacan siinayso cid walba oo ay dhibaato kasoo gaareen fatahaadda.
Wariyaha HOL ee Baladweyne, C/raxmaan Diini ayaa sheeagy in madaxweynuhu uu booqan doono xaafadihii ay fatahaaduhu ka dhaceen iyo goobaha ay dadku ku barokaceen, markaas kaddibna uu ka hadli waxay dowladdu u qabanayso dadka ay fatahaaduhu saameyeen.
Fatahaadihii ku dhuftay Baladweyne ayaa barakaciyay kumannaan qof oo shacab ah, kuwaasoo ku noolaa xaafadaha ay fatahaadddu sida ba'an u saameysay, waxaana dadkaas ay ku nool yihiin hadda deegaanno magaalada ka baxsan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inuu si kooban ula hadlay saraakiisha markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha Baladweyne saraakiisha ka socda dalka Jabuuti ee hoggaaminaya ciidamada AMSIOM ee ku sugan Baladweyne oo ka socda Jabuuti.
Booqashada madaxweynaha uu ku tagay Baladweyne ayaa waxay noqonaysaa tii labad oo uu ku tago degmo ka tirsan Soomaaliya tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, isagoo shalay booqday magaalada Baydhabo.
Wararka ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu Hoggaaminayay oo Degmada Baladweyne gaaray kulammana la leh Maamulka iyo Waxgaradka
More News
- Qarax ka Dhacay Kismaayo iyo Ciidamada Huwanta ah oo Saldhigyo ka Sameystay Gudsha iyo Daafaha Magaalada
- Madaxii hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Turkiga u qaabilsanaa Africa oo lagu dhaawacay inta u dhexeysa Gaalkacayo iyo Bacaadweyn
- Faahfaahin ku saabsan Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)
- Hay'adda Nabadsugidda Qaranka oo Maanta sheegtay inay inay la wareegto Guryo ay ka heshay Hub iyo Walxaha Qarxa
- Muqdisho oo uu ka socdo dib u dhis xoog leh, xilli Soomaaliya ay gashay marxalad cusub (SAWIRRO)
- Boqorka Guud ee Beelaha Jareer-weyne ee Somalia oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Hargeysa
- Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Kismaayo
- Hay'adda CRD oo Fannaaniinta Soomaaliyeed u qabtay Aqoon-Isweydaarsi lagu soo noolaynayo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka
- Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo gargaar kala duwan gaasiisay shacabkii ku waxyeelloobay fatahaadihii Baladweyne
- Hay'adda MSF oo ugu baaqday Hoggaamiyeyaasha Dunida inay Caawiyaan Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab-Kenya