
Madaxa waaxda xariirka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud, Cali Fadhaa oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talogaleen inay ku caawiyaan dadkii ay waxyeelladu kasoo gaareen fatahaada, gaar ahaan kuwa ay hoy la'aantu ku hayso magaalada Baladweyne.
“Waxaan ka qaybinay Baladweyne gargaar ay ka mid ahaayeen: raashin, bustayaal, baco iyo waxyaahan kale ee ay u baahan yihiin dadka ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen,” ayuu yiri Cali Fadhaa oo intaas ku daray inay sii wadayaan gargaarka ay siinayaan shacabka Baladweyne.
Gargaarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo la gaarsiiyo Baladweyne, tan iyo markii ay fatahaaduhu ku dhufteen magaaladaas, kuwaasoo geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhimasho iyo inay burburiyeen 70% guryihii ku yaallay xaafadihii ay fatahaaddu sida xun ugu dhufatay.
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay fatahaaddan u ahayd tii ugu xumayd ee ku dhufatay muddo sannado ah, waxaana lagu soo beegay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya booqanayo maanta degmada Baladweyne.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya