4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo ka Jawaabay hadalkii Danjire Mahiga uu ku Naqdiyay Xukunkii Maxkamadeed

Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Wakiilka xoghaya Qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, oo sheegay inuu ka xun yahay xukunkaasi 17 qof maxkamadda milatariga ku xukuntay dilka, kaasoo xusay in la keeo maxkamadda caadi ah oo lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in falkaasi ciidanka lagu weeraray uu yahay mid abaabulan oo askar ciidanka ka tirsan lagu dilay, caalamkuna ogaadaan culayska uu dambigaasi uu leeyahay, maadaama oo dambigaasi saamayn ku yeelan karo amniga qaranka iyo gobolkaba, isla markaana waxa u tilmaamay inuu garsoorka Somaliland ka madax banaan yahay xukuumadda.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha dibadda Omar waxa uu sheegay in aanay xukunkaasi waxba u dhimayn aqoonsiga somaliland, caalamkuna ogyahay culayska ay arrintani ku leedahay shacabka Somaliland, waxaanu sidaas ka sheegay waraysi ay idaacadda BBC-du la yeelatay isagoo jooga Washington ee dalka Maraykan.

"Falkani wuxuu ahaa fal dambiyeed oo dad ka falkan galay soo abaabuleen lagana soo shaqeeyey waxaana fal-dambiyeedkaasi naftoodda ku waayey askar ka mid ah ciidanka qalabka sida iyo dad kale oo reer somaliland ah, qaynuuniyan sharcigu waxa uu sheegayaa haddii fal-dambiyeed abaabulan oo ciidanka weerar ku ah lagu soo qaado goob milatari waxa loo cuskadaa ama la adeegsadaa maxkamadda milatariga"ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda oo ka hadlay falka dhacay nooca u yahay, waxaanu intaas ku daray "haseyeeshee waxa arrintan u furan dariiqyo kale oo sharciyeed oo talaabooyin kala gadisan leh, oo qaranka iyo dadka ay arrimahani khuseeyaaba u furan, sharcigana somaliland waa hay’ad madax banaan oo ka madax banaan xukuumadda. Waxaana had iyo jeer la raacayaa kuna dambaynaysaa sharciyadda dalka u taalla oo aan aaminsanahay inay waafaqsan yihiin nidaamka caalamiga ah ee dunida, laakiin soo jeedinta iyo talo bixinta iyo fikradu haday tahay mid dibadeed iyo cid kalaba way furan tahay oo arrin sharci ayaa loo marayaa arrimahaasi"ayuu yidhi.

"Dadka arrintan sameeyey ay weerar ku soo qaadeen ciidan qaran, dadna la laayey, qaarna la dhaawacay, waana arrin u baahan miisaankiisa iyo culayskiisa, waana in la helaa xuquuqdii dadkii meesha lagu laayey ee wax dambi ah oo ay galeen aanay jirin ee sida badheedhka ah loo soo weeraray , oo imika wali ku socda baadhintaano kale iyo inay cid kale ka dambayso iyo dad kale ku shuqul leeyihiin, waa in la isku miisaamaa arrimaha oo beesha caalamku dhankaana ka eegtaa culayska uu dambigani leeyahay dadkii la dilay iyo qaranka Somaliland iyo nabadgalyadiisa iyo ta gobolka oo dhan"ayuu Raaciyey Wasiirku.

Mar uu ka hadlayey saamaynta uu ku yeelan karo sumcadda dalka iyo aqoonsiga waxa uu xusay in aanay wax saamayn ah ku yeelan Karin arrintan ""waxaan filayaa inay arrimaha noocan oo kale ah ay tahay arrimo ay beesha caalamka ay fahmayso, waxaana loo arkaa inuu dambigani yahay mid culus, dunida waxay aad u danaysaa nabadgalyadda iyo amniga somaliland, fal-dambiyeedkani waxa uu ahaa fal aan caadi ahayn oo abaabulan bartilmaameedkiisna ahaa in la dhawaco ciidamada qaranka ee xerada markaasi joogo, ma filayo inay arintani sumcadda somaliland iyo dhaqanka lagu yaqaano ee cadaaladda iyo sharciyadda mid wax u dhimaysa, arrinta aqoonsigana ma filayo inay ku lug leedahay waana arrin sharci oo hay’adaha sharcigu u madaxbanaan yihiin"ayuu yidhi.

Jawaabtan ayaa ka dambeeyey ka dib markii Ergayga Qaramadda midoobay u qaabilsan Somalia Dr: Mahiga uu sheegay inuu ka xunyahay xukunkaa ku dhacay kooxdii dablayda ahayd ee weerartay xerada Ciidanka, waxaanu sheegay in la soo taago maxkamadda caadi ah oo cadaalad ku dhisan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland