4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Madaafiic lagu Weeraray Saldhigyo ay Ciidamada DKMG iyo kuwa Kenya ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar madaafiic ah xalay saqdii dhexe ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Xoogagga Al-shabaab ayaa in aka badan 11 madfac waxa ay xalay ku weerareen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen deegaanka Qooqaani, waxaana ilaa imika la garaneyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Jubada Hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay xoogagga Al-shabaab ku soo qaadeen deegaanka Qooqaani, iyagoona sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray weerarkii xalay.

Gaashaanle Max’ed Cara boo kamid ah saraakiisha dowladda ayaa HOL u sheegay in ku dhowaad ilaa 11 xabo oo madaafiic iyo hoobiyeyaal isugu jirto ay xoogagga Al-shabaab xalay ku soo tureen deegaanka Qooqaani, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntii xalay oo kazoo baxay, waxay arintani qeyb ka tahay weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo xoogagga Al-shabaab ay mudooyinkii u danbeeyay ka geysanayeen goobaha ay ku suganyihiin ciidamada huwanta ah ee gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya