4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Ergadii Puntland uga Qayb-galaysay Shirka Odayaasha-dhaqanka Muqdisho oo dib ugu laabtay Magaalada Garoowe

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ergooyinkii Puntland uga qaybgalaysay shirka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo dib ugu laabtay Garoowe, waxaana afhayeenka odyaashan uu sheegay in sababta ay Puntland ugu laabteen ay tahay sidii ay wadatashi uga sameyn lahaayeen maamulkooda.

Afhayeenka odayaaha Puntland, Garaad C/llaahi Cali Ciid oo saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in shirka hannaanka shirku ku socdo aanu ahayn mid diyaar ah, sidaa daraadeedna ay dib u laabteen si ay ula tashadaan maamulkooda iyo shacabkood.

"Markaan aragnay in shirka uusan ahayn mid dhameystiran waxaan go’aansanay inaan wadatashi dambe ula laabanno maamulkii iyo shacabkii horay noo dirsaday," ayuu yiri Garaad Ciid oo sheegay in shika uu yahay mid qabyo ah oo aan dhameystirnayn.

Oday-dhaqameedyada Puntland uga qaybgalayay shirka Muqdisho ayaa diyaaraad gaar ahi ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo xildhibaanno kasoo jeeda Puntland oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen in odayaashu ay soo laaban doonaan haddii la hagaajiyo hannaanka shirka.

Ma sheegin odayaashan inay dib ugu soo laabanayan Muqdisho iyo in kale, balse waxay sheegeen inaysan si caro ah uga bixin shirka, iyadoo la xususto inuu yahay muran ku saabsan dastuurka oo u dhexeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo Puntland.

Odayaasha-dhaqanka ee Muqdisho ku shiraya ayaa waxaa u socda fasax laba maalmood ah oo iyagoo kaddibna isku soo laaban doona, iyado dowladdu ay ka dalbanayso inay dadajiyaan soo gudbinta ergada shirka.

Maamulka Puntland ayaa waxay horay u sheegeen inaysan ku qanacsanayn dastuurka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay, waxayna xuseen in dastuurka uu awoodda inteeda badan siinayo dowladda dhexe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya