6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 15, 2012
Madaxtooyada Somalia oo la duqeeyay iyo Iska-horimaadyo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Madaafiic ayaa xalay lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kalena waxaa isla xalay ka dhacay jidka warshadaha dagaallo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab.

Mas'uuliyadda weerarrada lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda KMG ah ku leeyihiin agagaarka caymiska Qaranka oo ku yaalla degmada Yaaqshiid iyo saldhig kale oo ay ciidamad dowladdu ku leeyihiin agagaarka garoonka kubadda cagta ee Muqdisho oo ku yaalla degmada Wardhiigley ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegatay mas'uuliyadda weerarka madaafiicda ah ee lagu qaaday madaxtooyada, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarrada iyo duqeynta.

"Madaafiic culus ayaa xalay noo gudbay dhinaca madaxtooyada, qiyaastii waxay ahaayeen illaa shan madfac, waxaana nagu soo daatay firira madaafiicdaas kaddib markii qarxeen," ayuu yiri mid ka mid ah dadka daggan dhabarka madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay HOL.

Dowladda KMG ah ayaan ka hadlin duqeyntii madaxtooyada ku dhacday, iyadoo duqeynta lagu soo beegay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya safar ku joogo dalka Mareykanka oo uu kaga qaybgalay shirka golaha ammaanka oo maanta furmaya.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarada ay ku qaaday saldhigyada ay ku suganayeen ciidamada dowladda KMG ah ee ku yaalla jidka warshadaha ay yihiin kuwo qayb ka ah howgallada ay kawadaan Muqdisho.

Dhanka kale, kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku toogtay ruux rayid ah degmada Hodan ee Muqdisho, kuwaasoo ay u suurogashay inay baxsadana, mana ahan markii ugu horreysay oo weerarro, dilal iyo duqeymo ay ka dhacaan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho oo ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/15/2012 4:11 PM EST
Talaado, May 15, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo khudbaddiisana ay dhinacyo badan taabaneysay.

5/15/2012 9:38 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare ah oo loosoo agaasimay isla markaana uu soo qaban-qaabiyay urur dhalinyarro oo lagu magacaabo SYAO ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

5/15/2012 9:17 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ururaddii siyaasaddda ee qiimaynta ku hadhay ayaa maanta ku dhowaaqay inay samaysteen dallad xaqoodda u raadisa, kuwaas oo sheegay in aanay wali ku qancin natiijaddii ay guddidda diiwaangelinta ururadda ku dhowaaqeen, isla markaana sheegay inay dadka usoo bandhigayaan cadaalad darooyinka ku dhacay ururadda hadhay.

5/15/2012 8:27 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Sakaal ka tirsan ciidamada booliiska Kenya ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo culus ayaa kasoo gaaray kaddib qarax miino oo maanta lagula eegtay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

5/15/2012 8:10 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen wasiirro, xildhibaano, qaybaha bulshada iyo dhallinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho.

5/15/2012 7:42 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Dad shacab ah iyo ciidamada amniga Somaliland ayaa maanta dagaal waqti kooban socday wuxuu ku dhexmaray bariga magaalada Hargeysa, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaartay labada dhinac.

5/15/2012 6:48 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ergooyinkii Puntland uga qaybgalaysay shirka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo dib ugu laabtay Garoowe, waxaana afhayeenka odyaashan uu sheegay in sababta ay Puntland ugu laabteen ay tahay sidii ay wadatashi uga sameyn lahaayeen maamulkooda.

5/15/2012 6:36 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay taliska AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa lagu sheegay in Maj. Emannuel Bizimana oo Al-shabaab ay sheegtay inay dileen habeenkii talaadada ahaa uu ka mid ahaa saraakiil 20-kii Oktoobar 2011 lagu dilay dagaal Al-shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray degmada Dayniile.

5/15/2012 6:23 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya oo isticmaalaya diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Helicopter-ka loo yaqaan ayaa maanta weeraray saldhig ay burcadbadeeddu ku lahaayeen meel ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

5/15/2012 3:28 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax taageero ah oo la taaban karo ka helin beesha caalamka, iyadoo kaddib muddo saddex bilood ah la filayo in looga gudbo marxalada ku-meel-gaarka.

5/15/2012 3:02 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in deegaanno uu ka taliyo ay gaareen xoogag Al-shabaab taabacsan, iyadoo maamulku uu sheegay inuu billaabay howgallo uu kaga hortagayo.