4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Ciidamada Ammaanka Degmada C/casiis oo soo qabtay Rag watay Khamri Baakado ku jira (SAWIRRO)


Arbaco, May 23, 2012(HOL): Hadal ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabadgelyada Degmada C/casiis lagu soo qabqabtay rag watay Khamri kartoomo ku jira oo ka kooban 24 kartoon.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa saxaafadda u sheegay in khamrigaas uu ahaa mid dalka dibaddiisa laga keenay, wuxuuna caddeeyay in ay tahay markii ugu horreysay oo khamri noocaas ah iyo dadkii watay la isku soo qabto.

“Sida idiin muuqata waxaan gacanta ku soo dhignay KHAMRI 24-Kartoon ah, Raggii watay iyo gaadiidki ay ku wadeen, waxaana kula wareejineynaa hortiina hay’adaha Amniga sida Booliiska oo baaritaano ku sameyn doona” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa goobtaasi ka hadlay guddoomiyaha degmada CabdiCasiis Cabdullaahi Xuseen Xasan oo isna ka dhawaajiyay iney wadi doonaan howl gallada ay ku xaqiijinayaan amniga degmada isagoo ka codsaday Booliiska in ay caddaalada horkeenaan ragga lagu soo qabtay Khamriga.


Soo qabqabashada raggan khamriga baakadeysan watay ayaa waxay qabashadooda ku soo beegmeysaa iyadoo ammaanka Muqdisho uu soo hagaagayay isla markaana ay caasimadda dalka dib ugu laabanayeen dad badan oo ka tegay Qurbaha, kuwaasi oo isugu jira kuwo dalxiis iyo damaashaad u socda, kuwo reerahooda oo ay mar hore ugu dambeysay soo eegaya iyo kuwo dan uga jirto in ay ganacsi iyo waxyaabo la mid ah ay ka soo sameystaan Muqdisho.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]