4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Saraakiisha Xarakada Al-shabaab iyo kuwa AMISOM oo ka hadlay dagaalkii shalay ku dhexmaray Duleedka Muqdisho

Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka sheegtay guulo dagaallo culus oo shalay ku dhexmaray duleedka Muqdisho, iyadoo ay xalaadda goobihii lagu dagaalamay maanta yihiin kuwo nabdoon.

Jen. Andrew Gutti oo ah taliyaha AMISOM ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen shalay ay ugu magacdareen "Xoreynta Shabeelle", isagoo xusay inuu yahay mid ay ku doonayaan inaysan wax dhibaatooyin ah ku gaarsiin dadka ku nool deegaannada u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho.

"Dagaalka horumarro ayaan ka gaarnay, waxaana Al-shabaab kaga gubnay gaadiid dagaal, waxaana uga qabsannay hub iyo qalabka isgaarsiinta, waxaana goobtii aan doonaynay inaan gaarno aan u jirnaa dhowr kiiloo-mitir," ayuu yiri Jen. Gutti.

Taliyaha AMISOM wuxuu sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhaawacmaan illaa saddex askari, howlgalladuna ay sii socon doonaan, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada loo barakacay inay guryahooda ku sugnaadaan in howgalku ay kasoo afjarayaan.

Sidoo kale, afhayeenka ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM, Kabtan Ndayiragije Come oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadoodu ay hadda ku sugan yihiin qaybo ka tirsan deegaanka taree-dishe.

"Howgalkan waa mid aanu ku doonayno inaan ku qabsanno degmada Afgooye, waxaana Al-shabaab culeys ka saraynaa dhinac walba. Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye hadda waa mid furan, innaguna waxaan joognaa qaybo taree-dishe ka mid ah, waana sii wadaynaa dagaalka aan Al-shabaab kula jirno," ayuu yiri Kabtan Come.

Dhanka kale, afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isaguna la hadlay ayaa sheegay inay iska caabiyeen dagaalkii ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay kusoo qaadeen deegaannada ay ka taliyaan ee duleedka Muqdisho, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen.

"Waxaan ku dilnay dagaalkii shalay dhacay in ka badan 30-askari oo isugu jira kuwa dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saraakiil caddaan ah oo dagaalka hoggaaminayay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dhaawacyada saraakiisha cadaanka ah lagu qaaday diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah oo laga soo dajiyay Dayniile, isagoo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay shalay ayaa ah kuwo daggan, iyadoo goobahaas ay isku horfadhiyaan ciidamadii dagaalku u dhexeeyay oo kala ahaa kuwa DKMG ah, AMISOM iyo Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya