Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Qaxootiga ku jira xerooyinka ku yaal degmada Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ba’an oo ay kala kulmaan kooxo burcad ah oo dhac u geysta shacabka iyo ganacsatada ku nool qaar katirsan xerooyinka ku yaal Dhadhaab.
Wararka aynu ka heleyno xerada Dhagaxleey ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay dhac u geysteen dukaamo ku yaallay xeradaasi, iyagoona sidoo kale rasaas ooda uga qaaday dad fara badan oo ku sugnaa suuqa ay dhaca u geysteen.
Shukri Geedi oo kamid ah haweenka ku dhaqan xerada Dhagaxleey ayaa HOL u sheegtay in xalay kooxo hubeysan ay dhac u geysteen ilaa shan tukaan, iyagoona ka qaatay dhamaan wixii yaallay dukaamahaasi.
"Xalay shan tukaan ayaa la dhacay, dad fara bandanna saa’id ayaa loo garaacay, shuftada walaahi dhib aan caadi ahayn ayay nagu heeysaa, walaahi habeenkii xitaa ma seexanno cabsi daraadeed,” ayay tiri shukri oo HOL u warameysa.
Dhawaan ayaa sidan oo kale kooxo hubeysan waxa ay dhac ka geysteen xerada Xagardheer, iyagoona dhaawacay haweeney, waxaana kooxahaasi ay israsaaseyn dhexmartay ciidamo katirsan Booliska ilaalada ka haya xeradaasi, wallow markii danbe ay usoo gashay in ay baxsadaan.
Xaaladda amaan ee xerooyinka Dhadhaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahayd mid kasii dareysa, iyadoona shacabka ku dhaqan xerooyinkaasi ay walaac ka muujinayaan ammaanka faraha kasii baxaya ee xerooyinka ku yaal Dhadhaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Qaxootiga ku Jira Xerooyinka Dhadhaab oo ka Cabanaya Kooxo Burcad ah oo Dhibaato Ba'an ku Haya
More News
- Ciidamada Ammaanka Degmada C/casiis oo soo qabtay Rag watay Khamri Baakado ku jira (SAWIRRO)
- RAJO QARANNIMO: “Muqdisho waa sidee 21 sano oo dagaal sokeeye ah kadib”? (DAAWO SAWIRRO)
- Wafdi ka socda hay’adda USAID oo maanta gaaray magaalada Beledweyne
- Ugaas Cusub oo ay yeeshaan beelaha Degga Waqooyiga Hargeysa oo magaaladda Hargeysa lagu Caleemo Saaray
- Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Arday wax ku barta Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Xamar Jajab
- Hogaamiyaasha Dhaqanka oo Dhaliilay Hab Socodka Shirka Odayaasha-Dhaqanka ee Muqdisho ka socda
- Maydka Askari ka mid ah AMISOM oo lagu soo bandhigay Ceelasha-Biyaha iyo Barakac deegaankaas ka socda
- Qoysaskii hore uga Barakacay Deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose oo dib ugu laabanaya Guryahooda
- Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso Warbaahinta Qaarkeed oo faafiyay warar ka dhan ah Nabadda
- DAAWO SAWIRRADA Goobihii ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee Soomaliya ku tageen Dagaalkii Shalay
- Saraakiisha Xarakada Al-shabaab iyo kuwa AMISOM oo ka hadlay dagaalkii shalay ku dhexmaray Duleedka Muqdisho
- Madaxda Soomaalida ee ku shirsan Itoobiya oo isku fahmi la'a qodobbo ka mid ah Dastuurka iyo Xulidda Ergooyinka