4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Madaxda Soomaalida ee ku shirsan Itoobiya oo isku fahmi la'a qodobbo ka mid ah Dastuurka iyo Xulidda Ergooyinka

Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Shirka madaxda Soomaalida uga socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa weli isku mari dhowr qodob oo ka mid ah dastuurka, iyadoo sidoo kalena uu jiro muran ku saabsan qaabka loo xulayo ergooyinka ansixinta dastuurka iyo kuwa soo xulaya baarlamaanka cusub.

Qodobbada la isku mari la'yahay ee dastuurka ayaa gaarayaan illaa 35-qodob oo ay madaxdu ku kala aragti duwan yihiin, iyadoo madaxweynaha Puntland uu codsanayo in isbedel lagu sameeyo qodobbadaas halka mas'uuliyiinta kalena ay codsanayaan in markii la ansixiyo kaddib wax ka bedel lagu sameeyo.

Shirka oo lagu waday inuu shalay soo xirmo ayaa dib u dhacay, iyadoo lagu wado in maanta lasoo afjaro, balse soo gabgabeynta ayaa waxay ku xiran tahay hadba sida la isugu famo qodobbada lagu muransan yahay.

Puntland ayaa waxay horay uga biyo diidday qodobbada lagu muransan yahay, waxayna qaarkood ku tilmaameen inay yihiin kuwo awoodda inteeda badan siinaya dowladda dowladda, sidoo kalena aan ku dhisnayn hab federaali ah.

Dhanka kale, waxaa muran uu ka taagan yahay qaabka lagu soo xulayo ergooyinka ansixinta dastuurka iyo kuwa soo xulaya xubnaha baarlamaanka, waxaana tani ay sidoo kale caqabad ku noqotay in shirka lagu soo gabgabeeyo labadii casho ee uu ku talogalku ahaa in lagu soo gabgabeeyo.

Lama oga in shirka uu maanta oo Arbaco ah soo xirmi doono iyo in kale, iyadoo ay xalay xilli dambe ku gaareen madaxda Soomaalida ka doodista arrimaha ay aadka ugu kala fikirka duwan yihiiin.

Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Itoobiya, Siciid Yuusuf Nuur ayaa horay ugu sheegay saxaafadda in shirka loogu talogalay inuu laba casho socdo, balse uu ka badan karo, isagoo sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in dhinacyadu is-faham uu dhexmaro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya