4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Ugaas Cusub oo ay yeeshaan beelaha Degga Waqooyiga Hargeysa oo magaaladda Hargeysa lagu Caleemo Saaray


Arbaco, May 23, 2012 (HOL)-Ugaaskii ugu horeeyey beelaha degga waqooyiga Magaaladda Hargeysa yeeshaan ayaa maanta lagu caleemo saaray magaaladda Hargeysa, gaar ahaan hotel Maansoor.

Caleemo saarka ugaaskan waxa ka soo qaybgalay wefti balaadhan oo ka socda dawladda Jabuuti, kuwaas oo iskugu jira Wasiiro, xildhibaano iyo ganacsato, waxa iyana xafladda goobjoog ka ahaa qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, hogaamiyeyaasha ururadda Siyaasadda, saddexda xisbi Qaran, Raxan Wasiiro ah  iyo dadweyne aad u faro badan.

Sidoo kale, waxa munaasibaddan caleema saarka Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye) ee beelaha Cabdalle Sacad ee degga Waqooyiga Magaaladda Hargeysa ayaa waxa loo sameeyey habmaamuus aad u sareeya, iyadoo hoteelka dhexdiisa laga sameeey Aqal soomaali agabkii reer miyigu hidaha u lahaa loo dhameeyey, halkaasi oo lagu caano shubay, iyadoo Haamo caano lagu shubay dadweynaha iyo salaantiidii madasha joogtay gorofkii hidaha iyo dhaqanka soomaalida u ahaa dadka lagu siinayey.


Munaasibaddan oo ahayd mid dhaqan ayaa waxa ka soo qaybgalay munaasibadan in ka badan kun qof oo dadweynaha qaybahoodda kala duwan ah, waxaana halkaasi hadalo iyo taariikho badan ka soo jeediyey madax dhaqameedkii caleemo saarka ugaaska ka soo qaybgalay.

Ugu dambeyntii Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye), ayaaa u mahadnaqay dadweynihii iyo madaxdii ka soo qaybgashay caleemo saarkiisa, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay weftiga jabuuti uga yimid, sidoo kale waxa uu isna uu mahadnaqay marwadda koowaad ee dalka Jabuuti Marwo: Khadra Maxamuud Xayd oo uu sheegay inay hadyad qaali ah ay halkaasi uga soo dirtay, isagoo si weyn ugu amaanay shacabka jabuuti iyo dawladda jabuuti sida weyn ee ay u maamuuseen caleemo saarkiisa.

“waxaanan ilaawi doonin walaalahayga reer Jabuuti waxaan leeyahay waligiin jira oo cadowgiin ha wiiqmo,waxaan si gaar ah usoo dhoweynayaa marwada Khadra Xayd ee soo xambaartay ee diyaarad soo saartay Keegaa quruxda badan iyo alaabooyin kale oo badan waxaan leeyahay dad iyo xoolaba barakow”ayuu yidhi UGaaska cusub Ugaas Cabdilaahi Xawaareeye oo u ducaynayey reer Jabuuti, waxa kale oo uu u duceeyey dadweynaha somaliland ee goboladdda oo dhan uga soo hambalyeysay.


Marwadii madaxweynihii hore ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal marwo Kaltuun X. Daahir oo Ugaaska cusub ugu ducaysay inuu noqdo mid bulshadiisa ku hoggaamiya dariiqa wanaagsan ee dhaqan.

Munaasibadan ugaaska lagu boqrayey ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, waxaana ka soo qaybgalay suldaano, ugaaso iyo Isimo ka kala yimid goboladda Somaliland oo dhan.









Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland