4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Qoysaskii hore uga Barakacay Deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose oo dib ugu laabanaya Guryahooda
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Qoysaskii dhawaan kasoo barakacay dagaallo iyo duqeymo isbiirsaday oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah u dhexmarayay deegaanka Hoosingoow ayaa haatan bilaabay in ay dib ugu noqdaan guryahooda.

Dadkan oo gaaraya Boqollaal qoys ayaa ku barakacay deegaanada ku dhow dhow Hoosingoow, waxaana dib usoo laabashadooda ay ka danbeeysay kadib markii ay u adkeysan waayeen daryeel la'aan iyo roobabka ka da’aya goobihii ay ku barakaceen.

Guddoomiyaha deegaanka Hoosingoow Aadan Ibraahim Dhaqane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ku dhowaad ilaa 200 oo qoys ay haatan bilaabeen in ay dib ugu laabtaan guryahooda, arintaasoo uu sheegay in ay keentay kadib markii ay dadkani u dulqaadan waayeen xaaladda nolol xumo ee kajirta goobihii ay kusoo barakaceen.

Xaaladda deegaanka Hoosingoow oo katirsan gobolka Jubada Hoose ayaa weli xaaladiisu tahay mid aan la isku haleyn Karin, maadaama ay isku horfadhiyaan dhinacyada isku haya gobolka, waxaana sidoo kale deegaanka ka jirto dhibaatooyin nolol xumo iyo weliba mid caafimaad.

Diyaaradaha Kenya ayaa marar badan duqeymo ba’an ka geystay deegaanka Hoosingoow iyo deegaanada ku xeeran iyadoona duqeymahaasi ay ku waxyeeloobeen dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya