4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Musharax Xaaji Maxamed Yaasiin oo eedeyay saxiixayaasha Roadmap-ka

Mohamed Yassin2.jpg


Talaado, May 22, 2012 (HOL) - Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah musharaxa u taagan madaxtinimadda Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay saxiixayaasha Road map-ka sheegayna iney fushanayaan dano gaar ah.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtey magalada Nairobi, ayuu Xaaji Maxamed Yaasiin ka digay in xubnaha baarlamaanka xulitaankooda ay ku lug yeeshaan madaxda sare, taasoo u suuragalin karta in markale iyaga lasoo doorto.

“waa nasiib daro in nin doonayo in asiga la doorto inuu awood u yeesho inuu soo xulo kuwii isaga dooran lahaa” ayuu yiri Xaaji Yaasiin oo sheegay in qibrad loo wada leeyahay dowladii lagu dhisay Embagati iyo dhibatadii ay Soomaalidu ka dhaxashey.

Musharraxan ayaa  sheegay inuu u soo jeedinayo saxiixayaasha Roadmap-ka iney ka digtoonadaan waxa aan umada Soomaaliyeed dan u ahayn, isagoo sheegay in umaddu ay haatan ka bisishahay sidii hore markii muddo lagu soo hayay dhibaatooyin fara badan.

Dhanka kale mar u ka hadlayay dastuurka, waxa usoo dhaweeyay in la helo dastuur, waxase uu carabka ku adkeeyay in dastuurka uusan haatan u muuqan mid taagero ka helaya shacabka, isagoo soo jeediyay in la qaato dastuurkii 1960-kii , laguna sameeyo is badbadalo kooban oo wacyiga la jaan qaadi kara.

Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah musharrax u taagan xilka madaxtinnimada Soomaaliya, waa gacansade, horey uga soo shaqeeyay dowladii mailitariga, balse markii dambe waxa uu aaday qurbaha halkaas oo ganacsiyo uu ka sameeyay wadamo dibadda ah oo ay ku jiraan Zimbabwe, Imaaraadka Carabta, iyo wadanka Kenya, waxana uu ka mid ahaa 2004-tii musharaxiintii tartanka la gashey madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Mohamed Yassin.jpgAxmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya