3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Dhagaysi Dacwad u dhexeysa Garabyada uu u kala jabay Xisbiga UDUB ee Somaliland oo Maxkamadda sare ka furantay

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Maxkamada sare ee Somaliland ayaa guddo gashay dhageysiga dacwada u dhaxaysa Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB oo uu dhawaan Guddoomiye ku xigeenka xisbigaasi Maxkamada u gudbiyey eeddo ka dhan ah gudoomiyaha xisbigoodda.

Maxkamada sare ee Somaliland ee ka garnaqaysa dacwada ka dhaxaysa labada garab ee xisbiga UDUB u kala jabay oo shalay si rasmi ah u farantay, ayaa waxa garyaqaanada labada dhinac mid walba soo bandhigay waxyaabaha uu ku dacwiyayo, iyadda oo mid walba uu keenay cadaymaha uu u daliishanayo khaladaadka uu dhanka kale ku sheegayo.

Dacwadan oo ku salaysan muran dhinaca awooda hogaaminta xisbiga UDUB ah oo u dhaxaysa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa halkaasi waxa lagu soo bandhigay dacwada Axmed Yuusuf Yaasiin ku doodayo, maadaama oo uu isagu dacwadan u gudbiyey maxkamadda sare, waxaana hadalka furay garyaqaanka u doodayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Garyaqaan: Barkhad Jaamac Aar , kaas oo sheegay in Guddida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta Qaranku ka diiday liiska golaha dhexe ee xisbigaasi oo uu gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi u gudbiyey, isla-markaana qaatay liis uu u gudbiyay gudoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale Kaahin, isagoo doodiisa ku saleeyey inuu xaq u leeyahay, maadaama oo uu gudomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin uu dalka muddo ka maqnaa, sidaa darteedna uu isagu hawlihii xisbiga halkaasi ka sii waday.

waxa kale oo gudoomiyaha xisbiga UDUB lagu eedeeyey xilgudasho la’aan, maqnaansho muddo badan, hawlihii xisbiga oo hakadgalay iyo mudadii hogaamineed oo ka dhamaatay, balse garyaqaanka garabka Daahir Rayaale Kaahin oo ah Garyaqaan:Maxamed Saalax Cigge oo isaguna halkaasi gartiisa ka sheegay ayaa tilmaamay in wakhtiga Axmed Yuusuf Yaasiin uu guddida u gudbiyey liiska xubnaha golaha dhexe ee UDUB Guddoomiye Daahir Rayaale Kaahin wadanka ku sugnaa, sidaa daraadeedna aanu xaq u lahayn inuu gudbiyo liiskaasi guddoomiyaha xisbiga oo jooga.

Sidoo kale, labada garyaqaan ee u kala doodaya labada dhinac ayaa halkaasi ku soo bandhigay qoraalo isku lid ah iyo waliba xeerar is-burinaya oo xisbiga UDUB ka soo wada baxay, kuwaasi oo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali amray in mid mid loo sharaxo.

Dhageysiga dacwadan oo socotay muddo saacado ah, ayaa markii ay soo gabogabowday waxa uu guddoomiyaha maxkamadda sare sheegay in fadhi dambe la isugu soo noqon doono haddii loo baahdo, haddii aan loo baahana ay go’aanka soo saari doonaan.

Dhageysiga dacwadan kamay soo xaadirin Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, balse waxa joogay xubno kala matalyey labadda garab ee is haya, waxaanay labadda garaba sheegeen inay ku kalsoon yihiin wixii ka soo baxay maxkamadda dastooriga ah.

Waa dacwadiii labaad ee xisbi u gudbiyo maxkamadda sare, iyadoo hore khilaaf sidan oo kale ahi isku qabteen xisbiga UCID, taas oo lagu kala baxay, isla markaana loo xukumay Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, iyadoo garabkii kalana halkaasi ku qaatay go’aankii soo baxay, haseyeeshee dacwadan labaad ee ka dhex dhacay xisbiga UDUB oo ah xisbigii ugu horeeyey ee laga aasaasay somaliland, isla markaana madaxweynihii hore ee geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal uu aasaasay ayaa la sugayaa go’aanka maxkamadda ka soo bixi doonna iyo cidda ay guushu raaci doonto.

Sidoo kale, waxa iyagan dacwad ka dhan ah guddidda diiwaangelinta ururada u gudbiyey maxkamadda sare gudoomiyaha ururkii hadhay ee UDHIS, Col:Ibraahim Dhegoweyne, kaas oo uu kaga cabanayo go’aankii ay ururkiisa ku reebeen, sidoo kale qaar kamid ah ururadii hadhay ayaa iyagun hore ugu gudbiyey dacwadan tan la mid ah oo ka dhan ah guddidda Diiwaangelinta ururadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
5/22/2012 10:56 AM EST
Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah musharaxa u taagan madaxtinimadda Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay saxiixayaasha Road map-ka sheegayna iney fushanayaan dano gaar ah.

5/22/2012 9:10 AM EST
Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Wasiirka ganacsiga xukuumadda Soomaaliya ahna ku simaha ra'iisul wasaaraha, C/wahaab Ugaas Xuseen oo maanta Muqdisho kulan kula yeeshay ururrada bulshada rayidka ah ayaa ka dalbaday inay xukuumadda ka gacan-siiyaan meel marinta Roadmap-ka, ansixinta dastuurka iyo amniga oo lasoo celiyo.

5/22/2012 8:50 AM EST
Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Maxkamadeynta lix dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku eedeysan afduubka dooni kuwa raaxada ah oo ay la socdeen 30 shaqaaalaha doonida ah ayaa ka furantay maanta magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

5/22/2012 7:10 AM EST
Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ayaa guulo ka sheegtay dagaallo saakay aroortii hore ka qarxay degmada Dayniile, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

5/22/2012 3:57 AM EST
Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku manuucday in laga ganacsado raashinka hay'adda ay dalka keento hay'adda WFP oo qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca cunnada.

5/22/2012 3:33 AM EST
Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamadiisa jooga Soomaaliya ay qorsheyanayaan sidii ay dhul kale uga qabsan lahaayeen Xarakada Al-shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee kuwa Koonfureed ee Soomaaliya.

5/22/2012 3:19 AM EST
Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa siyaabo kala duwan u arkay hadalkii ka soo yeedhay Ergayga Qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Mahiga, kaas oo naqdiyey xukunkii maxkamadda Milatariga Somaliland ku xukuntay koox dabley ahayd oo weerartay Xero Ciidan, halkaasi oo toddoba qof ku dhinteen, tiro intaas ka badana ku dhaawacmay.

5/22/2012 3:15 AM EST
Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga Xarakada Al-shabaab ayaa saakay ka qarxay degmada Dayniile, iyadoo dhinacadu ay isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud.