4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Al-shabaab oo Gobollada ay ka taliso ka Mamnuucday Raashinka Hay'adda WFP kana digtay in Qandaraasyo laga Qaato

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku manuucday in laga ganacsado raashinka ay dalka keento hay'adda WFP oo Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca cunnada.

Qoraal kasoo baxay xafiiska la socodka hay'adaha ajnabiga ah ee Al-shabaab ee OSAFA ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin kala duwan uu weli raashinka WPF ku hayo shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed la mamnuucday in la geeyo goobaha ay Al-shabaab ka taliso.

Bayaanka kasoo baxay OSAFA ayaa sidoo kale lagu sheegay in in baaritaano ku sameysay raashinka WFP ayna ogaatay in loogu talogalay in lagu jabiyo qiimaha ay ganacsatadu ku keensadaan raashinka laguna qal-qalgeliyo miraha kasoo go'a beeraha.

"Kaddib baaritaanno uu xafiisku sameeyay ayaa lagu ogaaday in hay’adda WFP oo hore looga mamnuucay wilaayaadka inay qandaraas ku siisay ganacsato Soomaali ah raashin qiimo jaban inay suuqa geliyeen kaddib markii bakhaarada hay’addaasi ay ku baareen raashinka oo ay ku fadeexowday dhibkii laga kabsaday ee ay ku hayn jirtay beeraha dalka iyo wax soo saarkooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qodobbada go'aanka xafiiska OSAFA ee Al-shabaab ayaa u qornaa sidan:

  1. Waxaa gabi ahaanba mamnuuc ah qandaraas ka qaadashada hay’adihii hore looga mamnuucay dalka oo ay WFP ka mid tahay.
  2. Waxaa ganacsatada ka mamnuuc ah inay raashinka kasoo iibsadaan WFP si ay sicir-jebin iyo sad-bursi ugu sameeyaan ganacsatada kale ama beeralayda dalka.
  3. Qof walba oo lagu helo isagoo gacmaha kula jira mashaariic lagu qal-qal gelinayo bad-qabka dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga Islaamka.
  4. Dawladaha iyo hay’adaha ajaanibta ah ee dalka ka hirgelinaya mashaariicda kala duwan ee ay cadawtooyada dhaqaale ku dheehan tahay waxay la kulmi doonaan cawaaqib-xumada ka dhalata hagardaamada ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa sannadkii 2010 waxay ka joojisay ha'yadda WFP inay ka howlgasho deegannada ay ka taliso, iyadoo tan iyo markaas haya'do ka badan ka joojisay inay ka howlgalaan gobollada iyo deegmooyinka ay ka taliyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya