4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM oo guulo ka sheegtay Dagaallo ay Al-shabaab kula galeen Degmada Dayniile

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ayaa guulo ka sheegtay dagaallo saakay aroortii hore ka qarxay degmada Dayniile, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab.

Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) iyo taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Cali Caanood oo saxaafadda kula hadlay goobtaha lagu dagaalamay ayaa sheegay inay lala wareegay garoonka diyaaradaha Dayniile iyo goobo kale oo duleedka Muqdisho ku yaalla.

"Waxaan dagaalkii saakay billowday ku qabsannay garoonkii diyaaradaha Dayniile iyo jidad badan oo taga Garasbaalley, waxaana ciidamadeennu ay u sii gudbeen deegaanka Carbiska," ayay saraakiishan ku sheegeen war kooban oo ay saxaafada siiyeen.

Dagaallada oo weli socda ayaa waxay wararka hordhaca ah xaqiijinayaan inay ku dhinteen ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, ayna sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof, kuwaasoo uu ku jiri sawir-qaade Soomaali ah oo lagu magacaabo Muuse Abayle oo ka tirsanaa telefishinka Royal Tv.

"Aroornimadii hore ee maanta waxay ciidamadeenna iyo kuwa DKMG ah waxay si taxaddar leh u qaadeen weerarro qorsheysnaa si loo sugo ammaanka iyo nabad-galyada dadka ku nool degmada Afgooye," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM.

Taliska AMISOM kuma sheegin warsaxaafadeedkooda khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka ay gacanta ku siinayaan ciidamada DKMG Soomaaliya, iyadoo weli uu dagaalku ka socdo duleedka degmada Dayniile.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa sheegay inay xireen jid muhiim ah oo Al-shabaab  uu u mari jiray saadka. Sidoo kale goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen taangiyada AMISOM oo u gudbaya jid weyn oo howdka mara kaasoo isku xira Muqdisho iyo ceelasha biyaha. 

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah oo ku dagaya garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile, iyadoo weli uu furan yahay jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho oo ay gaadiidku si caadi ah u marayaan.

Diyaaradaha ayaa la sheegay inay ka dajinayeen garoonka saad ciidamada dagaalka ku jira loogu talogalay, waxaana dagaalka uu haatan kasii socdaa dhul howd ah oo ku teedsan deegaannada ka sameystay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Dhanka kale, saraakiisha Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar qorsheysan oo lagu soo qaaday degmada Dayniile, iyadoo xubno uu ka mid yahay Sheekh Fu'aad Shangole uu shacabka ugu baaqay inay ka hortagaan duullaan uu sheegay inkay AMISOM ku soo qaaday deegaannada muslimiinta.

"Cadowgu wuxuu doonayaa inuu baabi'iyo in la isku xukumo diinta Islaamka, wuxuuna soo weeraray mujaahiidiinta, waxaana xaqiiqo ah in cadowgu uu ku jabayo dagaalka. Waxaan dadka muslimiinta ah ugu baaqayaa inay kacaan oo ay diintooda ka difaacdaan cadowga," ayuu yiri Sheekh Fu'aad Shangole oo ka hadlayay idaacadda Andulus oo ku hadasha afka Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu cuslaa oo degmada Dayniile ku dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo weli ay ku nool yihiin deegaannada u dhexeeya Muqdishio iyo Afgooye in ka badan 400,000 oo barakcayaal ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya