Ruwaayaddii ugu horreysay oo berri lagu dhigayo Tiyaatarkii Qaranka ee Muqdisho


Axad, March 18, 2012(HOL): “Maalinta berri ah ayaa Magaalada Muqdisho ay geli doontaa waji cusub, iyadoo Ruwaayaddii u horreysay muddo 20-sano ah lagu dhigi doono Tiyaatarka Qaranka oo muddo burbursanaa.

Ruwaayaddan oo loogu magac daray DARDAARAN WAALID ayaa waxaa soo bandhigaya Fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi iyo afar kooxood oo ka mid ah Kooxaha Fanka ku jiray.

Soo bandhigidda ruwaayaddan ayaa muujineysa sida dib loogu abaabulay Fanka Soomaaliyed iyo Farshaxanka markii u horreysay.

Ruwaayaddan ayaa noqon doonta mid si toos ah looga daawado adduunka, iyadoo ay soo gudbinayaan Telefashinnada ku hadla Afka Soomaaliga iyo kuwa Caalamiga ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa sida ay faafisay Wakaaladda Murtida iyo Madadaallada,  waxaa ay si toos ah uga daawan doonaan Somali National TV ama TV-ga qaranka, Universal TV iyo Al Jazeera Mubaashara, waxaa uu barnaamijku bilaabanayaa 2:30 – 6:00 Galabnimo”. Ruwaayaddaan waxaad si toos ah uga fiirsan kartaa shabakadda Hiiraan Online.

Hiiraan Online News Desk