Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaannada safarkiisa ku wehlinaya ayaa waxaa lagu wadaa inay la kulmaan inta ay Baydhabo ku sugan yihiin maanta maamulka gobolka, kan degmada iyo waxgaradka deegaanka.
Afhayeenka iyo wafdigiisa ayaa waxay shalay oo Sabti ahayd u baaqdeen arrimo dhinaca duulimaadka ah, waxaase lagu wadaa inay maanta kaga dhoofaan Muqdisho laba diyaaradood oo kuwa qummaatiga u kaca ah.
Ma jiro hadal uu afhayeenku siiyay saxaafadda kaasoo uu kaga warbixinayo safarka uu ku tagayo Baydhabo, waxaase uu horay u sheegay inay u qorsheysan tahay inuu booqdo xarunta gobolka Bay oo saddex toddobaad ka hor ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ka qabsadeen Al-shabaab oo saddex sano maamulaysay.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa Baydhabo ugu dambeysay sannadkii 2006 xilligaasoo uu ahaa afhayeenka baarlamaanka, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay isaga iyo madaxweynihii xilligaas Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.
Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka socda qabanqaabo lagu soo dhaweynayo afhayeenka baarlamaanka iyo wafdigiisa iyadoo booqashadan ay noqonayso tii labaad oo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ay ku tagaan Baydhabo muddo saddex toddobaad gudahood ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya